Dawlada oo Isbaaro u dhigatay Ergooyinkii gobolka Gedo

Dowlada Federaalka oo maanta ishortaag ku sameysay diyaaradii Gobalka Gedo ka soo qaadi laheyd Ergooyinka ka qeyb galayo shirka Kismaayo.

hyh

Dowlada federaalka Somaliya ayaa waxay maanta is hortaag ku sameysay diyaaradii gobalka Gedo ka soo qaadi laheyd Ergooyinka gobalka Gedo uga qeyb gali lahaa shirka Maamul usamenta Jubaland ee 23 bishan ka furmaya Magaalada Kismaayo .

Shirkada diyaarada laga kireeyay ee lagu waday inay gobalka Gedo ka soo qaado qaar kamida xubnahii gudiga farsamada Maamul usameynta Jubaland ee Aw-libax kamid yahay iyo ergooyinkii gobalka Gedo uga qeyb gali lahaa Shirweynaha Kismaayo ka furmaya ayaa waxaa is hortaagay Dowlada Somaliya.

Diyaarada Muqdisho ayay ka soo kicilaheyd , Laakiin waxaa shirkada diyaaradaha amar lagu siiyay in aysan aadi karin Gobalka Gedo hadii ay aadana lagala laabanayo shaatiga ay ku shaqeyso. Waxay wararku sheegayaan arintani in ay si wada jir ah ugu lug leeyihiin Madaxweynaha Somaliya Xasan Maxamud Culusow iyo waliba Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Arinta ayaa cirka isku shareertay waxayna gaartay IGAD , wararka ayaa intaasi ku darayaa in IGAD ay balan qaaday in ay diyaarad u direyso Gobalka Gedo soo daabusho Ergooyinkaasi. Shirkadi diyaaradaha is hortaaga lagu sameeyay ayaa sheegtay in ay dhaqaalahii lagu Kireyay soo celineyso. Diyaaradaha soo daabulaya Ergooyinka waxaa gacan ka geysatay oo soo kireysaa IGAD.

Bulshada  reer Gedo ayaa aad uga carooday falkan ay ku kacday dowlada Somaliya.

Dhinaca kale Odayaasha Dhaqanka Beelaha  Hawiye garabaka mucaaradka  Kismaayo,  oo inta badan ku hadla Afka  siyaasada Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaliya Xasan Culusoow  ayaa sheegay in dib loo dhigo maamul u samaynta Jubooyinka.

ALLSANAAG.COM, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information