Somaalida Minneapolis Oo Badalay Qariirada Magaaladaasi

DAAWO: Somaalida Minneapolis Oo Badalay Qariirada Magaaladaasi Iyo Musharax Abdi Warsame Oo Ka Warbixinaayo Halgankii Ay U Galeen.

alwa

Minneapolis (SPR): Bilowgii sanadkii hore ee 2012 ayaa gudi somaaliyed oo la magacbaxay Citizens Committee for Fair Re-districting soo bandhigay degmo cusub oo qariirada kusoo biirta. Gudigaan ayaa himiladoodu ahayd helis degmo ka kooban xaafadaha Somaalida islamarkaana u gogol xaarayso guulo siyaasadeed qowmiyada Somaalida. Gudigaas oo la yimid hindisaha dib u qorida qariirada ayaa ku guulaystay in ay hantaan degmo isku xirayso xaafadaha Somaalidu ay ka degaan koonfurta magaalada Minneapolis. Jaraa'idyada kasoo baxo gobolka Minnesota oo si weyn u hadal haayey ololaha Somaalidu ay ugu jirtay dib u qorida qariirada ayaa ku tilmaamay natiijada qariirada cusub guul usoo hooyatay qowmiyada Somaalida..

Daawo barnaamij aad u xiisa badan.

Idaacada SPR ayaa waraysi la yeelatay gudoomiyihii gudigaasi, haatan'na ah musharaxa golaha degaanka degmada Lixaad ee Magaalada Minneapolis aqoonyahan Abdi Warsame. Musharaxa ayaa ka warbixiyey halgankii dheeraa ay u galeen dib u qorida qariirada xaafadaha Minneapolis isagoona tilmaamay in ujeedadoodu ahayd in ay mideeyaan qowmiyada Somaalida si ay fursad siyaasadeed u helaan.

Daawo barnaamij aad u xiisa badan.

Additional information