Yaa ku xigi doona Sheekha oo la dili doonaa?

gggoan

Hoos ka akhriso Dadka Isir sooca ay  Alshanaab iyo SNM ku dileen gudaha PUNTLAND. Dilkani ma joogsan doono  ilaa inta  ciidamo laga gaynayo xadka u dhaxeeya Gobolka Sanaag iyo Togdheer oo ah meesha laga soo abaabulo dilka iyo qaraxyada Puntland.

(1) Dr Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan, waxaa lagu dilay Magaalada Boosaaso, xilli uu Masaajid kasoo baxay Salaad Subax, Taariikhdu markii ay ahayd Bishii December 5-2011.

(2) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, waxaa lagu dilay, Magaalada Garoowe xilli uu ku tokonayey Masaajid Salaaddii Casar, Taariikhdu markii ay ahayd, Maalin Jamcaa Bishii February 15-2013.

(3) Nabadoon Muuse Faarax Onkod, waxaa lagu dilay Magaalada Boosaaso xilli uu marayey Suuqa, Taariikhdu markii ay ahayd February 2-2013.

(4) Xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud, waxaa lagu dilay Magaalada Garoowe, xilli uu xaafaddiisa u socday waxaa la sheegay in uu Masaajid kasoo baxay, Taariikhdu markii ay ahayd Bishii August 6,2012.

(5) Kornayl C/laahi Maxamed Xasan C/laahi Faray, waxaa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, xilli uu Soomanaa oo Masaajid dhexdiisa ayaa lagu dilay Salaad Makhrib , Taariikhdu markii ay ahayd Bsihii July, 30,2012.

(6) Cismaan Maxamed Xasan Cismaan Gaduunow, waxaa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, xilli uu soomanaa Masaajid gudihiisa Salaad Makhrib, Taariikhdu markii ay ahayd, Bishii July 30,2012.

(7) Sargaal C/laahi Xussseen Gaal Dile, waxaa lagu dilay Magaalada Garoowe,  , waxaa la dilay Taariikhdu markii ay ahayd, Bishii Decembar 24-2012.

(8)  Nabadoon Cabdirisaaq Maxamuud Guhaad : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonadda Gobolka Mudug. Waxaa la dilay Bishii June 23 2008 waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo.

(9)  Nabadoon Yaasin Cali Barre (Fitilig) : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonadda Gobolka Mudug, waxaa la dilay Bishii June 30 2008 waxaana lagu dilay Magaalada Gaalkacyo xilli uu ku sugnaa maqaaxi uu lahaa.

(10)Nabadoon Cabdi Kacaan : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonadda Gobolka Mudug, waxaa la dilay Bishii February 6- 2009 waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo.

(11). Suldaan Ciise Xasan Cumar : Wuxuu kamid ahaa salaadiinta waaweyn ee Reer Puntland si aad ahna looga yaqaan Gobolka Bari, waxaa la dilay Bishii November 21- 2010 waxaana lagu dilay Magaaladda Bosaaso xilli uu kasoo baxay Salaaddii Maqrib Masjidka Al-Aqsaa ee Magaaladda Bosaaso.

(12)  Nabadoon Nuur Xirsi Cismaan(Nuur Waal) : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug Nabadoonku wuxuu la shaqayn jiray Hay’adda PDRC qaybteeda Gaalkacyo,  waxaa la dilay Bishii March 30- 2011.

(13)  Nabadoon Saalax Cabdisalaan Axmed (Faqash) : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Bari, waxaa la dilay Bishii April 7- 2011, waxaana lagu dilay Magaalada Bosaaso xilli uu Nabadoonku kasoo baxay Salaaddii Makhrib ee uu ku tukaday Masjidka Al-Raxma.

(14)  Nabadoon Siciid Xasan Cumar (Kashwiito) : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Bari, waxaa la dilay Bishii April 24 2011 waxaana lagu dilay Magaaladda Bosaaso xilli uu kasoo baxay Salaadda Cishaha oo uu ku tukaday Masjidka Al-Rashiid.

(15). Ganacsadde Cali Jaamac Biixi (Janno-Galle) : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda Gobolka Mudug, wuxuu ahaan jiray Madaxii Shirkadda Biyaha ee Magaaladda Gaalkacyo, waxaa la dilay Bishii July 9- 2008 waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo xilli uu kasoo baxay Salaaddii Subax.

(16). Ganacsadde Maxamuud Shiikh Cismaan : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda Gobolka Mudug, waxaa la dilay Bishii October 8 2008, waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo xilli uu kasoo baxay Masjidka Al-Towba, dilkiisana cidna looma qaban.

(17). Ganacsadde Shire Siciid Cabdiraxmaan (Walbaq) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda waa weyn ee Gobolka Bari, sidoo kale wuxuu ahaa Gudoomiyihii hore ee degmadda Ufayn oo katirsan Gobolka Bari, waxaa la dilay Bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso, dilkiisana waxaa gaystay.

(18). Gudoomiye Shiikh Maxamed Cabdi (Awaare) : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Darajadda 1aad ee Gobolka Bari waxaa la dilay Bishii November 11-2009 waxaana lagu dilay Magaaladda Bosaaso xilli uu kasoo baxay Salaada Makhrib.

(19) Gudoomiye Shiikh Xuseen Maxamed Khaliif : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug, waxaana la dilay Bishii Feb 8- 2011, waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo.

(20). Xeer i laaliye Cabdiqaadir Jaamac Nugaal (Caato) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee Gobolka Mudug waxaana la dilay Bishii January 25- 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo xilli uu kasoo baxay Salaaddii Cishaha.

(21). Xeer i laaliye Maxamuud Aw Muuse Gelle (Tima Jilic) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee Gobolka Mudug, waxaana la dilay Bishii June 7- 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo.

(22) . Xeer i laaliye Cali Jaamac Qalas : Wuxuu ahaa Xeer i laaliye kuxigeenka maxkamadda darajadda 1aad ee Bosaaso, ahaana sii haya xilka gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaana la dilay bishii June 12 2010 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso xili uu kasoo baxay shaqadiisa.

(23). Xeer i laaliye Col. Cabdullaahi Saalax Shirwac : Wuxuu ahaa xeer i laaliyaha maxkamadda sare ee Gobolka Bari, sidoo kale wuxuu ahaa Taliye Kuxigeenka Akadeemiyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo, waxaana la dilay Bishii November 30 2010 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

(24). Xildhibaan / Qareen Ibaraahim Cilmi Warsame (Gaab) : Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland sidoo kale waxuu ahaa Qareen u dooda xuquuqda aadanaha sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa gudigga xiriirka golayaasha, waxaana la dilay B ishii November 11 2009 waxaana lagu dilay magaaladda Garoowe .

25 Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil (Daqarre) : Wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay Bishii January 19 2010 waxaana lagu dilay Magaaladda Bosaaso.

26Xildhibaan Cabdullaahi Cali Kaarad : Wuxuu ahaa Xildhibaan kamida Golaha Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay Bishii January 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

27Taliye G/sare Yaasin Axmed Sanweyne (Tolwaayey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Qaybta Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii Aprill 29 2009 waxaana lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo, ayadoo dilkiisana loo adeegsaday Qarax Banbaano oo lala beegsaday Gaarigii uu saarnaa Taliyuhu, ma jirto cid sheegatay.

28Taliye G/sare Xuseen Cali Faarax : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhigga Baalale ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii December 10-2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

29Taliye G/sare Axmed Xasan Xaaji (Dhoonge) : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhiga Biyo Kulule ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii September 5-2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

30Taliye G/sare Axmed Jaamac Saalax (Ratey) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Booliska Puntland, Horayna wuxuu mar usoo noqday Taliya Saldhiga Dhexe Magaaladda Garoowe, waxaana la dilay Bishii December 2-2010, waxaana lagu dilay Degmadda Buurtinle oo katirsan Gobolka Nugaal, dilkiisana waxaa gaystay kooxo dablay ah oo hubaysan.

31Sarkaal Mukhtaar Shiikh Cali (Jifi-Jabsadde) : Wuxuu ahaa Sargaal ka Howl gali jiray Safaaradda Ethiopia ay kuleedahay caasimadda Puntland ee Garoowe, horayna wuxuu mar usoo noqday Gudoomiya Degmadda Gallaadi ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kilillka Shanaad, waxaana la dilay Bishii April 22- 2011.

32. Agaasime Maxamed Yaasin Ciise (Ilkacase) : Wuxuu ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Dhaqaalaha Hay’adda PDRC , waxaana la dilay Bishii April 6- 2011, Waxaana lagu dilay Magaaladda Garoowe dilkiisana.

33Agaasime Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen : Wuxuu ahaa Agaasimihii Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Puntland, sidoo kale wuxuu kamid ahaa  Culimada Gobolka mudug, waxaana la dilay Bishii April 16- 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo, dilkiisana waxaa loo adeegsaday miino loo dhigay gaarigii uu saarnaa Agaasimihu kadibna wuxuu u geeriyooday dhaawac soo gaaray, ma jirto cid sheegatay, laakiin Qaraxa ayaa ahaa mid Casriya oo gaarigiisa ku xirnaa.

34. Nabadoon Xuseen Cali Dudde : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudiga Nabad Galyada Gobolka Mudug, waxaana la dilay Bishii March 21 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo.

35. Gudoomiye Cabdullaahi Mahdi Xasan (Sayidka) : Wuxuu ahaa Gudoomiyaha Uruka Iskuxirka Ardayda Soomaaliyeed, waxaana la dilay Bishii January 31 2010 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

36. Sarkaal Cismaan Cabdidaahir Maxamuud (Coor-Coor) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug, iyo waliba odayaasha magaaladda had iyo jeer ka hadla arrimaha ammaanka, waxaana la dilay Bishii December 12- 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo.

37-  Oday Warsame Yusuf Islaan (Cirfe) : Wuxuu kamid ahaa Odayaasha Gobolka Mudug, waxaana la dilay Bishii January 3-2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo.

38- Ganacsadde Maxamed Cumar Gurey : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda Gobolka mudug, waxaana la dilay Bishii April 27 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo.

39.  Ganacsadde Xasan Axmed Cali Xasan (Yare) : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada Gobolka Mudug, waxaana la dilay Bishii June 11-2008 waxaana lagu dilay Magaaladda gaalkacyo.

40. Ganacsadde Cabdisalaan Warsame Aw Maxamuud : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda Gobolka Bari, waxaana la dilay Bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

41. Ganacsadde Cabdinuur Saalax Dhiidhax : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda Gobolka Bari, waxaana la dilay Bishii May 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso.

42.  Taliye G/sare Axmed Xaaji Doon (Tiibo-Tiibo) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Ciidamadda Daraawiishta Puntland, wuxuuna mar soo ahaa Taliya Ciidamadda Daraawiishta Gobolka Nugaal, waxaana la dilay Bishii June 13-2011 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

43. Nabadoon Axmed Salaad Caynab : Wuxuu kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Bari, waxaana la dilay Bishii March 28- 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

44. Ganacsade Cumar Aw Muuse Maxamed :  wuxuu kamid ahaa Ganacsatada Gobolka Bari iyo waliba Mas’uuliyiinta Shirkadda Red Sea ee Xarunteedu tahay Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay Bishii June 20-2011 waxaana lagu dilay magaaladda Bosaaso.

Maamulka SNM ee Hargaysa  ayaa  sidoo kale taageero buuxda  siiya Kooxda Alshbaab oo ka dagaalama buuraha Galgala.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Additional information