Jawaari oo Jigjiga u tegay Siminaar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari, ayaa Jigjiga u tegay  in uu Casharo ku saabsan Federalka ka qaato Madaxda Dawalada degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

federaal

Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafdigii uu horkacayey oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis ababa ayaa gaaray magaalada jigjiga oo ah xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wafdiga gudoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Jigjiga ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu wafdiga ka raacay magaalada Addis ababa.


 

Madaxweynaha Soomaalidda Itoobiya Cabdi ileey ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wefdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Jawaari oo Magaaladda Jigjiga u yimid in la xaliyo khilaafaad ka taagan magaaladda Baydhabo oo Ciidamadda Itoobiya ee magaaladaaas ku sugan ay ka horyimaadeen in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Bay C/fitaax Geeseey oo taageero ka heysta Madaxweynaha Soomaalidda Itoobiya Cabdi Ileey oo isagu hadda noqday ninka wax laga weydiiyo arimaha Soomaaliya,kadib markii siyaasadii Dawladda Itoobiya wax iska bedeshay dhimashadii Reysalwasarihii hore ee Itoobiya Zenaawi,iyadoo Reysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Heyla-Maryam uu siyaasadii Itoobiyadda cusub wax ka bedelay,hadda kadib xaaladaha Soomaalidda si toos ah loogala xiriiryo Madaxda Soomaalidda-Itoobiya ee Jigjiga ku sugan iyo Madaxweynaha awooda badan ee Cabdi Ileey.

ALLSANAAG.COM, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Additional information