Ina Cali Waraabe oo aabe u noqday Argagixiso
- Details
- Written by khalid
Caruurtii Madaxda Beesha Isaaq oo qaarkood Argagixiso noqdeen iyo ururka Alshabaab.

Wiil uu dhalay Gudoomiyaha xisbiga Garxejiska ee Beesha Isaaq Faysal Cali Waraabe iyo xaaskiisa oo la socotey ayaa ilo wareedyo rasmi ahi sheegeen in Ciidamada Amnigu ku qabteen Magaalada Laas-caanood ,gacantana weli ku hayaan iyagoo loo malaynaayo inay ku sii jeedeen Yemen,inkastoo warar kalena sheegayeen inay u socdeen koonfurta somaliya.
Wiilkan gudoomiyuhu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Faysal iyo Xaaskiisa oo ka yimi dalka Finland dhawaan. ayaa la sheegay inay hore u go’aansadeen ama doorbideen inay u gudbaan dalka Yemen hase yeeshee markii sirdoonka caalamku u soo gudbiyey magacyadooda maamulka SNM ayaa baasabooradii laga qaaday, ka dibna waxay si dhuumaalaysi ah ugu baxeen Koonfurta Soomaaliya oo xaaska Xuseen Faysal dhalasho ahaan ka soo jeedo. .
Sida xoguhu sheegayaan Lamanahan ayaa ka tegay Doraad Magaalada Hargeysa ,doorbidayna inay dhulka ku safraan, kana wareegaan dhinaca Puntland ilaa Muqdisho balse qaar ka mid ah sirdoonka wadamo saaxiib la ah Soomaaliya ayaa la xidhiidhay maamulka SNM,oo aakhirkii gacanta ku dhigay argagixisadn iyagoo ku sugan guri ku yaala magaalada Laascaanood.
Xuseen Faysal aabihii, Ina cali Waraabe ayaa hadda sheegaya inuu tuhunsan yahay in wiilkiisa duufsadeen ama xidhiidh la sameeyeen kooxo ama ash-khaas ka mid ah Alshabaab.
Ninkii maalmo ka hor isku qarxiyey Villa Soomaaliya oo doonayey in uu dilo RW Soomaaliya Saacid iyo kii shalay ku dilay Masaajidka dhexdiisa Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax , ayaa labaduba waxay ka soo jeedaan Beesha Isaaq.
Arintan ayaa xoojinaysa cadeymahii horey loo hayey, oo ahayd in kooxda Axmed Godane iyo SNM ay wada shaqayni ka dhaxayso oo ay nabddi iyo noloshii uu diideen shacabka aan ka soo jeedin Beesha SNM iyo deeganadooda, ayagoo Kharbudaada iyo dilka ka soo abaabula magaalooyinka Burco iyo Hargaysa danbiyadoodana iyo dilkoodana ka fuliya dhulalka kale sida Laascaanood, Garoowe , Gaalkacyo iyo Boosaaso,Muqdisho,Beledweyne,Baydhabo,Kismaayo iyo Buuraha Galgala.
ALLSANAAG.COM, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

