Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Aamusey, Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Iyo Geeridii Halgame Ladane

Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Aamusey, Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Iyo Geeridii Halgame Ladane ( Dhacdo Ugub Ah)‏

 

kod

Akhristayaal waxaan marka hore Tacsi u dirayaa Qoyska Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Iyo Halgame Ladane Saalax Deer.
 
Akhristow sida aan la socono Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Madaxweyne u yahay Ummada Soomaaliyeed, waana Masuulka Dalka ugu sareeya marka laga hadlayo Maamul Iyo Hogaan, Waxaana Waajib ku ah inuu Ummada uu Madaxda u yahay la qeybsado Farxad Iyo Murugo. Hadaba maanta waxaan dul istaagayaa dhacdooyin Ugub ah kuna aadan habdhaqanka Madaxweyne Hassan ee ka dhanka ah Geeriyooyinkii Naxdinta lahaa ee ku timid Halgame Ladane Saalax Deer Iyo Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax. 

Sida aan la socono Labadii Maalmood ee u danbeeyay Deegaanada Puntland waxaa ka dhacey Geeri Naxdin leh Iyo Murugu soo dul hogatay Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland, Dadka Reer Puntland waxa ey ahaayeen kuwa aad uuga naxey Marxuumada aan xusey Geeridoodi Iyo cida badali doonta.

Hadaba Madaxweynaha Soomaaliya muxuu uugu Tacsiyeyn waayay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland??  Waxaan la soconaa Labada Ruux ee Geeriyoodey iney ahaayeen udub dhaxaadkii Bulshada Soomaaliyeed eyna habooneyd in loo muujiyo dareen Iyo Murugo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu aan wali ka hadli muddo maalin Iyo bar kadib Tacsidan Taxanaha ah ee dul-hogatey Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland.

Hadaba Madaxweynaha Soomaaliyeed habdhaqankiisa Iyo Siyaasadiisa ku wajahan Puntland waxa uu keenay inuu indhaha ka xirto arimahan aan xusey, balse arintan waxaan oran karaa waa Dhacdo-Ugub ah waana mid Taariikhda ey qori doonto, Madaxweynaha oo horey loo aamisanaa inuu aad uuga soo horjeedo Siyaasada Puntland Iyo dadka Deegaanadaas dagan waliba isaga oo aan wali booqan ayaa hadana tani fariin cad u tahay dhaqanka Madaxweynaha Iyo Arxan-darada uu u qabo Reer Puntland.

Ugu danbeyn Shacabka Puntland marna ma ilaawi doonaan Madaxweyne Hassan Iyo inta la fikirka ah ee u dhaqamaya sidan waxana aan lee yahay Reer Puntland ogaada maanta waxaa idin cadaadey Naceybka Madaxweyne Hassan Maxamuud u qabo Puntland Iyo Shacabkeeda waxaan lee yahay kuwa wali taageeraya Madaxweyne Hassan, Aamusnaanta Hassan Sheekh Maxamuud, waa Dhacdo Ugub ah.
 
Fiiro-Gaar ah, Waxaan u mahad-celinayaa Culumada Soomaaliyeed ee sida Qiimaha Iyo Xilkasnimada leh ugu soo Tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland, waxaan lee yahay Ma ilaawi doono Qiirada Iyo Jaceylka aad noo muujiseen, waxaan lee yahay Ummada Reer Puntland Maxaa inoo dhiman??
 
 
Sakariye Isticmaar< This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. >'; document.write(''); document.write(addy_text86653); document.write('<\/a>'); //-->\n This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ;

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information