RW Saacid oo loo diiday Puntland

Raisal-Wasaare Saacid, Oo laga hor istaagey inuu Garowe ka qeyb galo Tacsida Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax‏.

saacdi


 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor istaagey Raisal-Wasaare Saacid, inuu ka qeyb-galo Tacsida Aaska Qaran ee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Madaxweynaha ayaa ka ilaashey Wafdiga Garowe aadayay inuu ka qeyb galo Raisal-Wasaare Saacid, arintan oo aan ka soo xigtey Rag ku dhow Madaxtooyada ayaa ii sheegey inuu PM-Saacid aad uuga caroodey diidamada Madaxweynaha.

Hadaba maxey tahay sababtu, Sida aan la socono Raisal-Wasaare Saacid ayaa la qorsheynayay inuu tago Puntland Isbuucan sida laga soo xigtey warar ku dhow-dhow Madaxtooyada Garowe Iyo Mogadishu, Madaxweyne Hassan Culusow ayaa isagu kasoo horjeedey in Raisal-Wasaare Saacid Shirdoon uu Puntland tago waxana jirtey muran Iyo khilaaf hoose oo ka aloosnaa Madaxtooyada.

Hadaba maanta ayay u aheyd Raisal-Wasaare Saacid Fursad Iyo isbarasho uu ku tagi lahaa Puntland, balse taa badalkeeda waxaa lasoo direy Shakhsigii ugu nebcaa Puntland ahna, Wasiirka Arimaha Guddaha, Cabdikariim Hassan Guuleed, hada socdaalkan Siyaasadeysan ayaa  durba laga dareemay Puntland waxana jirtey gadood shacab Iyo caro ka imaneysa shacabka, Shacabka ayaan raali ka aheyn imaanshaha Wasiirka Arimaha Guddaha oo lagu xasuusto nacebkii Iyo loolankii ka dhanka ahaa in Puntland lasiiyo Raisal-Wasaare xiligii Hassan Culusow la doortey.  Isku soo wada duub shacabka Puntland ayaa la socda shirqoolada SIyaasadeed ee Culusow Iyo Kooxdiisa Damul-Jadiid ey maleegayaan.
 
Qoraa sare Xirsi Faarax.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information