Shiikh Cabdiqaadir oo galabta la aasay

Qabuuraha Galbeed ee magaalada Garowe ayaa galabta 16 February,2013 waxa lagu aasey Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo galabnimadii Jimcada lagu diley Garowe.

qabriga sheekha

Kumanaan dad ah uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,Ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali ,Gudoomiyaha Barlamanka ,wasiiro ,Xildhibaano ,Shuyuukh ka kala timid gobollada dalka ,Aqoonyahano ,Dhalinayro ayaa aaska ka qaybgalay.

xabaal1

xabaal2

xabaal4

xabaal6

aas1

Garoonka Olombikada Garowe oo ayaa dhowr kun oo qofi iskugu yimaadeen Salaada oo uu tujiyey Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ,waxana  ka dib goobta laga soo jeediyey khubaddo isugu jirey Taarikhdii Shiikha ,Canbaareynta cidii soo qorshaysey iyo weliba dardaaran iyo nasteexeen loo soo jeeshay kuwa weli ku jira falalka aragagixiso.

Shiikh Yuusuf Aadan oo 45 sanno ka badan ay saaxiibo dhow ahaayeen Shiikh Cabdiqaadir ayaa goobta isaga oo murugeysan ka so jeedshey taariikh nololeedkii Shiikha Alaha u naxariistee laga soo bilaabo xiligi ay isbarteen Jaamacada Madiina ee dalka Sucuudiga 1964.

Wadaado ay ka mid yihiin Shiikh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hayada Culimada Soomaliyeed ,ku xigeenkiisa Shiikh Nuur Baaruud ,Shiikh Daahir Aw-Cabdi Shiikh Axmed Cabdisamad iyo Shiikh Cabdinaasir ayaa si weyn u dhaleecey kooxda Al-shabaab ee ka danbeysey dilka Shiikha ,waxana ay sheegeen in boqolal Shiikha Cilmigiia bartey ay joogaan.

‘’Wadadii Khawaarijta ayay hayaan ,maxkamadihii bay ku dhex milnaayeen waana in dhamaan la iska kaashadaa sidii la iskaga qaban lahaa’’ Ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.
Ugu danbeyntii ayaa hadalka waxa soo xirey Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey dhamaan cidii uu ka tagay Shiikhu geeridiisa naxdinta lahayd kadib.

‘’Xidig dhacay ayay la mid tahay geerida Shiikha ,waxaan ku kalsoonahayse in xidig kale noo soo baxayo ,meeshii ku haboonyed ayuu ku dhintey’’Ayuu yiri Madaxweynuhu oo raacshay hadalkiisa‘’Axmed Godane oo xukun doon ayaa diley Shiikh Cabdiqaadir ‘’.
Waxa uu soo jeedshay Madaxweynuhu dhalinyarada ku jirta falalka Al-shabaab weli inay ka soo baxaan oo ka soo laabtaan waxay wadaan islamarkaasina dib Bulshada ugu soo noqdaan

 

Additional information