Wasiir Fawsiya oo Boorsadii laga bililiqaystay

Shaqaalihii Villa Soomaaliya, oo madaxweynaha la socday ayaa bililiqaysatay Boorsadii iyo Baasaboorkii Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.

foowsiya

Wasiirka arrimaha dibada Somalia ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan,  oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Culusoow  oo booqasho ku joogay magaalada Brussels ee dalka Bilgam  ayaa laga xaday boorso nooca garabka lagu qaato ee xaragada ah isla markaana lagu xafido documentiyada iyo alaabaha yaryar.

Lama oga cida sida rasmiga ah u xaday, laakiin Security-ga hotelka ayaa ku guul dareystay in ay helaan boorsada iyo ciddii xaday in la helo, iyadoo Kaamirooyinka Hotelka baaris lagu sameeyay laga arki waayay cidda qaadatay boorsada.

Wasiiradda ayaa warbaahinta  u sheegtay in boorsada ay ugu jireen documenty muhiim ah iyo sharcigeeda dhalashada dalka Britain, taasoo keentay in ciidamada Booliska ay soo farageliyaan maadaama ay ka mid tahay wafdiga Madaxweynaha oo la filayo in ay booqdaan Londan, lana siiyay documenty muujinaya in sharcigeeda uu ugu dhumay hotelka ay ka deganeyd Brussels.fowsiya-yusuf

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in boorsada ka luntay Wasiirad Fowziyo ay ugu jireen documentiyo muhiim ah oo muujinayay ujeedada socdaalka iyo heshiisyo ay wada galeen midowga yurub, laakiin wasiiradda ma aysan sheegin arintaasi.

Jahawareer ay ka qaatay Wasiirada boorasada ka luntay ayaa keentay in ay ka qeybgeli weydo xaflad ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Biljamka iyo Holland Madaxweynaha kula hadlayay.

ALLsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information