SNM " Falaadhi gilgilasho kaagama harto"
- Details
- Written by khalid
Maamulka SNM oo taageerada weyn siiya ururka argagixisada Alshabaab , ayaa ka been sheegay degaanada Maakhir iyaga oo doonaya in ay marin habaabiyaan Bulshada caalamka oo hadda ogaatay in SNM taageero buuxda siiyaan argagixisada Soomaaliya iyo tan Caalamka.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka SNM Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku uruursanayaan bariga Gobolka Sanaag, isagoo oo yiri in xarumo Al-Shabaab ka sameystaan inta u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.
Isagoo ka qeyb qaadanayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu Wasiirku sheegay inay ka war hayaan in xubno Al-Shabaab ah ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanada u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.
"Waxaa la soconaa bariga Sanaag dhanka xiga xuduuda aan la leenahay Puntland halkaas inay isku uruursanayaan xubno Al-Shabaab oo ka soo haajiray Koofurta Soomaaliya, waxaan rajeynayaa in Puntland iyo Somaliland inay ka wada shaqeyn doonaan sidii aan uga hortagi laheyn"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale.
Beentan aan raadka lahayn ee Jabhadkan SNM sheegay, ayaa waxa qaadan waayey Bulshada caalamka iyo dalka Itoobiya oo xadka la leh maamulkan taageera ALSHABAAB. Dawladda Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa maanta si deg deg ah magaaladda Hargeysa uga qaaday wasiirka Arrimaha Dibedda SNM Maxamed C/laahi Cumar iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka SNM Jaamac Maxamed Bootaan, waxaana loo soo bamdhigi doonaa xogaha ay ka hayaan maamulka SNM ee la xidhiidha cabsida ay sheegeen iyo argagixka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Hogaamiyaha Alshabaab walaalkiis Cafiskan ayuu ku soo noqday, taasina waxay kuu cadaynaysaa in maamulka SNM taageero ALSHABAAB
Waxa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa maanta laga qabtay sadex qof oo uu ka mid yahay nin ay walaalo yihiin Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Cabdi Godane iyo laba nin oo kale oo ka soo wada jeeda Beesha Isaaq oo ka wada mid ah argagixisadii ay Soomaaliya ka degi wayday.
Ugu danbayntii Soomaalida ka tagta dalalka dibada oo qaraxa ka gaysta caalamka iyo gudaha Soomaaliya, ayaa boqolkiiba sideetan iyo in kabadan waxay yihiin kuwa ka soo jeeda maamulka SNM, waxaana ugu danbeeyey ninkii maalmo ka hor isku qarxiyey Villa Soomaaliya , isaga oo doonayey in uu khaarijiyo RW Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid. Ninkan ayaa lagu magcaabay Cali Cabdi Xareed oo u dhashey Habarjeclo – Isaaq, oo ah beesha uu ka soo jeedo hogaamiyaha SNM Siilaanyo
Allsanaag.com,
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

