Wareysiga WDN ee Prof. Lidwien (Ladan) Kapteijns: Qoraaga Buugga Qabiil Xasuuqii ka dhacay Soomaaliya

Waa ol'olihii qabiil xasuuqa ee Muqdisho lagu qaaday markii Maxamed Siyaad Barre la eryey 26kii January 1991.

XASD

 

Odhaahda tifaftirka: WardheerNews waxay heshay fursad dhif ah oo ay wareysigii ugu horreeyay kula yeellatay Bare sare (Professor) Lidwien Kapteijns oo ah qoraaga buug dhawaan soo baxay ee la yidhaahdo: Qabiil Xasuuqii ka dhacay Soomaaliya, Dhaxal Burburkii 1991 (Clan Cleansing in Somalia: The Ruinous Turn of 1991). Lidwien Kapteijns waa Bare-jaamacadeed oo maaddada taariikhda ka dhigta Wellesley College. Dr. Kapteijns waxay leedahay buugaag, qoraallo badan, iyo baaritaanno cilmiyeed. Baaritaannada ay Professor Kapteijns hore u samaysay waxaa ka mid ah daraasad ay la sameysay Maryan “Aryette” Cumar Cali oo ku saabsan heesaha Soomaaliga ah ee la curiyey muddadii u dhaxaysay 1955tii iyo 1985tii, iyadoo ka dibna qortay buug baaritaankaas ka dhashay oo la yiraahdo Women’s Voices in a Man’s World oo loo tarjumi karayo Codka Haweenka ee ku Dhex Jira Adduunka Raggu Xukumo.

Buuggeedaan cusubi wuxuu tixraacayaa sugaantii waqtigaas ee dhaleecayneysay dhaqan xumada tanoo kale ah, taasoo gun-dhig u noqoneysa dhacdooyinkii 1991-1992. Professor Kapteijns waxay samaysay baaritaan ballaaran oo wax ku kordhinaya waxa Soomaaliya laga qoray, buuxinayana daldaloollo ka jira taariikhda dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Buuggaan, Qabiil Xasuuqii ka dhacay Soomaaliya (Clan Cleansing in Somalia), waa mid aan akhrintiisa laga daaleyn oo faahfaahin badan ka bixinaya dhacdooyinkii dhabbaha u xaaray inay Soomaaliya ku jirto fadqalaalle joogta ah labaatankii sano ee la soo dhaafay. Waxaan shaki lahayn inuu soo celinayo xasuuso ay in badan iska aaseen si ay uga gudbaan xanuunka wixii dhacay. Iyadoo aynu wada aragno in weli waddankii qabiil loogu kala qeybsan yahay, waxaan rajeyneynaa in buuggaani bilow u noqdo doodda loo baahan yahay si la isula fahmo dabeecadda colaaddii haraysay dalkeenna hooyo. Waraysigaan waxaa WardheerNews u qaaday Cabdikariim C/raxman X. Xasan. Waxaa Af Soomaali u tarjumay waraysigan oo ku soo baxay Af Ingriisi markii hore Axmed Ciise Cawad.

WardheerNews: Sidee ayey kuugu dhalatay fikradda ah inaad qortid buuggaagan dhawaanta soo baxay ee “Qabiil Xasuuqii ka dhacay Soomaaliya”?

Prof. Ladan: Waxaan dhab ahaan mashruucaan baaritaan-cilmiyeedka ah bilaabay si aan u darso siday suugaanta Soomaalidu u soo bandhigtay oo ay wax uga sheegtay colaaddii dagaalka sokeeye. Waxaa la yaab leh inay jiraan gabayo ku damqaya oo af-Soomaali ah oo arrintan ku saabsan. Buugga waxaan ku xusay gabayga Mustafa Sheekh Cilmi ee “Masiibo” iyo kan Cabdulqaadir Cabdi Shube ee “Durbaan Garashow Diyaan”. Laakiin hal-abuur kale oo Soomaaliyeed ayaa colaaddan ka hadlay iyagoo curiyey buugaag sheekooyin ah iyo suugaanta tixaha furan oo af-Ingiriis ku qoran. Suugaantan qiimaha badan ayaa igu dhalisay inaan hoos ugu dhaadhaco mawduucan siina dabagalo halka ay caadi ahaan xogta ka helaan kuwa ku hawlan ka taariikheynta dhacdadaan: halka ay ka heleen wararkii ugu dambeeyay, oo ay ka mid yihiin qoraalladii laga soo xigtay wararkii laga sii daayey  Radio Muqdisho iyo BBCda London; wargeysyada yaryar ee sirdoonka ah sida Africa Confidential iyo Indian Ocean Newsletter; xasuus-qorka diblomaasiyiintii shisheeye ee Muqdisho goob-joogga ka ahaa ilaa iyo horraantii 1991; warbixinnadii laga diyaariyey socdaaladii gudaha Soomaaliya ay ku tageen dadka darsa iyo kuwa falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo Soomaali iyo ajnabiba leh; fidyooyaal (videos) lagu soo duubay Muqdisho waqtigii dhacdooyinka, iyo warar kale oo laga soo xigtey dhacdooyinkaas oo ku qoran luqado badan oo kala duwan.

WDN: Waa maxay dulucda buuggu?

Prof. Ladan: Dulucda buuggu, sida magaciisu tilmaamayo, waa ol'olihii qabiil xasuuqa ee Muqdisho lagu qaaday markii Maxamed Siyaad Barre la eryey 26kii January 1991. Madaxadii mucaaradkii hubeysnaa ee Muqdisho qabsaday iyo maamulkii ku meel gaarka ahaa ee markaas laga sameeyay ee USC, oo ay la jiraan qaar ka mid ah xulufadoodii (gaar ahaan SNM iyo SDM), waxay weerareen, xasuuqeen oo bara kiciyeen dad rayad ah oo aan badankoodu taageerin kana faa’iidin xukunkii Maxamed Siyaad Barre (sida ay madaxdani uga faa’iideen) kuwaasoo lagu lifaaqey abtirsiinyo gaar ah oo la siyaasadeeyay oo uu Maxamed Siyaad Barre ka mid yahay.

Ol'olahaan argagaxisada ah ee dagaalku (ee lagu barakicinayo dad rayad ah iyadoo la dhacayo, la laynayo, la kufsanayo, oo la xasuuqayo) wuu ka duwanaa wixii hore u dhacay marka la eego nooca xumaanta baahsan oo la gaarsiiyey, waqtiga ay qaadatay iyo dhulka ay ku fidday, iyo xaaladda khaaska ah ee jirtay markii xukumaddii jirtay dhacday. Waxay ka koobneyd abaabul iyo dhiirri-galin ula kac ah oo dad caadi ah lagu gubaabiyey  inay qaadaan xasuuqid ku dhisan qabyaalad (“communal violence”) oo ka madax bannaan hey’adaha dowladda. Waxay markii hore saamaysay tobannaan kun oo dad ah, markii dambana la gaarsiiyey boqollaal kun. Waxay qaadatay in ka badan laba sano, waxayna saamaysay dhammaan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Waxaan leeyahay dhacdooyinka 1991 ma ahayn (sida in badan loo yidhaahdo) wax qas ah, aargudasho ah, iyo wax caadi ah oo qabiillada Soomaaliyeed ay weligood sameeyaan. Laakiin waxay ahaayeen o'lolo baahsan oo ulajeeddo dad gaar loo bartilmaansaday lagu laynayay dalkana looga saareyey. Dhacdooyinka 1991 waxay baajiyeen  dhismaha dowlad guud oo midaysan. Waxa markaasna bilowmay  dagaal maleeshiyo aan dhammaaneyn oo hor iyo gadaal la isu cayrsanayo. Dagaalkaas  colaadda qabiil ku salaysan waxa  caadi  laga dhigtay  in dad rayad ah macna la’aan la iska laayey. Ficilladaas oo dhan waxay sabab u yihiin dhuminta dawladnimada Soomaaliyeed iyo dhalasho la’aanteed. Buuggaygu wuxuu isku dayayaa inuu muujiyo siday arrintaani suurtagal ku noqotay isagoo sharaxaya sababihii  taariikheed iyo xaaladdi jirtay 1991kii.

WDN: Maxaad ugu tilmaantay dhacdooyinkii 1991-1992 siyaasad ololo qabiil xasuuq?

Prof. Ladan: Adeegsigayga erayada qabiil xasuuq waxay ka soo jeeddaa kii “qawmiyad xasuuq” (“ethnic cleansing”) oo uu Guddigii Xeel-dheerayaasha Qarammada Midoobay adeegsaday warbixintiisii ugu dambeysay ee ku saabsanayd dagaalkii sokeeye ee Yugoslavia-dii burburtay. Qeexiddani waxay macneyneysaa isku dayga in dhul lagu soo reebo hal qolo ma ahane inta kale laga saaro, iyadoo la adeegsanayo xoog iyo cabsi galin – gaar ahaan burburin iyo dhac hanti, kufsi baahsan, dil iyo xasuuq – lagu cayrinayo dad rayad ah oo ka tirsan koox gaar ah (qawmiyad, diin, ama, haddaad qaadatid midda Soomaalida, qabiil). Baaritaan cilmiyeedkii aan sameeyay wuxuu si aan shaki ku jirin u caddeeyay xaqiiqada ah in dhacdooyinkii 1991-1992 ay ahaayeen qabiil xasuuqid, abaabul iyo hurin colaad qabiileed ula kac ah oo dhiirrigaliyey shacabka inay ciribtiraan shacabka kaleeto.

Waxaan si cad buugga ugu sheegay inaysan ahayn oo kaliya dadkay dhibaatadu ka soo gaartay ololihii qabiil xasuuqa ee ay tahay in la aqoonsado  oo la xasuusto dhammaan dadkii rayadka ahaa ee dhinac kasta waxyeelladu ka soo gaartay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay laga soo bilaabo 1978 ilaa waqtigan la joogo. Waxaan culeyska saaray 1991 maxaa yeellay, sidaan ku doodaya buugga, dabeecadda iyo baaxadda colaaddii uu ololihii qabiil xasuuqu fatahey  iyo isweydaarashadii mucaaradkii (“reversal of the axis of opposition”) oo ay tani keentay waxay muujisay  kala-guurka taariikhdii (“key shift”) dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Ololahaan qabiil xasuuqa ahi kama duwana oo kaliya, ayaan buugga ku soo bandhigayaa , wixii ka horreeyay iyo wixii gadaashiis yimid ee wuxuu kaloo abuuray tagto (ama taariikh) aan la garwaaqsan lana ruugin oo caqabad ku ah dib-isugu-keenidda bulshada iyo dib-u-dhisidda damiirkooda.

WDN: Ma jiraan waxyaabo aad ogaatay intaad buugga qoraysay oo aad si gaar ah ula yaabtay?

Prof. Ladan: Laba arrimood ayaa madaxa ku soo dhacaya. Tan hore, buuggiisa Zanzibar Chest (2003), Hartley wuxuu sharxayaa dhacdo uu isagu goob joog ka ahaa qof ahaan jid gooyo Muqdisho tiil wax yar kadib markii Maxamed Siyaad Barre laga saaray dhammaadkii January 1991. Wuxuu qorayaa “dad rayad ah oo la soo safay oo la isku ciriiriyey  koox maliishiya jidka xidhay hortooda, markii qof la yiraahdo gudub, qof kale ayaa soo baxaya oo bilaabaya inuu magacyo taxo.” Nin uu Hartley mar aan dheerayn soo helay si uu u hago, ninkaas oo duurjoog u eg, madaxana uu ugu xiran yahay tima dad oo guduud dhalaalaya ah, ayaa u sharxay Hartley in ay dadku tirinayaa magacyada awoowayaasha qabiilkooda. Hartley wuxuu xasuustaa inuu ku fakarayey inay tani u dhiganto fara-qaadid cod ku dhisan ama taariikh lagu soo aruurshey  dagaal iyo nabad, labadaasuna  inay leeyihiin xikmad gabay;  waxaase fakarkii ka kala gooyey markii “bang: mid qori watay ayaa toogtay mid ka mid ah dadkii rayadka ahaa, kaasoo dhulka ku dhacay asagoo madaxiisa dhiig ka burqanayo markaasaa loo jiiday xagga meydad isa saarsaaran.” Wuu naxay, laakiin kii waday ayaa dhimashadii ninka rayadka si dhib yar u sheegay: “Qabiil khalad ah…waxay ahayd inuu soo amaahdo awoowayaasha saaxiibbo kale ” (2003:169). Waxaa iga yaabiyey waxay ahayd in xataa Hartley, oo ah saxafi iyo qoraa xirfad weyn leh, uusan  isweydiin waxaan hortiisa ka dhacay yaa la dilay yaase wax diley, markuu goobjoog u ahaa wixii dhacayay 1991kii, iyo xataa markuu daabacay xasuus-qorkiisa 2003dii!

Tan labaad, waxaan bilawgii aad ula yaabay dayaca il-duufka, inkiraadda aan gabbashada lahayn, been-ka-sheegga ula-kac ah iyo yareysiga wixii dhacay oo iima u yeelay in badan oo ah wixii falanqeyn cilmiyeysan iyo xasuuq-qor siyaasadeed la sameeyay ee ku saabsanaa dhacdooyinkii 1991-1992. Hase yeeshee markaan aad u sii dhex galay waxa laga qoray dambiyada waa weyn ee bani’aadamnimada ka dhanka ah sida cirib-tirka iyo qawmiyad/qabiil xasuuqa, waxaan ogaaday in aamuska, been-ka-sheegidda iyo inkiraadda marka ay xadgudubyadaan dhacayaan iyo kadibba ay iyaga naftigoodu qeyb ka yihiin xadgudubyadaas sidaasna ay qeyb uga noqdaan cillad-bixintooda. Xeel-dheerayaasha barashada cirib-tirka sida Stanley Cohen, oo qoray buugga la yiraahdo States of Denial: Knowing about Atrocities and Suffering, 2001 (Xaaladaha Inkiraadda: Ogaanshaha Halaagga iyo Dhibtiisa, 2001), ayaa habeeyay noocyada inkiraadaha oo ay ka mid yihiin inkiraadda qaawan (“waxba ma dhicin; waa iska fowdo”), inkiraadda macneysa (“wax waa dhaceen laakiin ma ahayn qabiil xasuuq dad rayad ah oo ka tirsan qabiillo gaar ah”), ama xataa inkiraadda dadkii waxyeelloobay (“way istaahilaan wixii gaaray”). Waxaan oo idil waa laga helayaa qoraallada ka taariikheeya qabiil xasuuqii ka dhacay Soomaaliya 1991-1992, waana ku sheegay tusaalayaal buugga.            
 
 
WDN: Haweenku qeyb weyn kama aha buugga. Sidee ayaad u aragtaa ka-qeyb-qaadashadooda colaadda dagaalka sokeeye, muxuuse noqon karaa kaalinta ay lee yihiin si wixii dhacay looga gudbo?

Prof. Ladan: Haweenku waxay caddeeyeen inaysan ka badbaadin been abuurista qabiil nebcaan iyo hurinta colaadaha ku dhisan qabiil. Tani la yaab maleh, oo haweenku xoog kasta oo ay leeyihiin, waxay la mid yihiin bani-aadamka oo kama sarreeyaan. Sidaas darteed waa muhiim inaan qirno middaas oo aynaan yareysan nacaybka iyo colaadda ay haweenkuna awoodaan markay jirto xaalad taariikheed oo gaar ah. Hase ahaatee, dagaalka sokeeye waxaa waday welina wada waa rag, ee haween ma aha, waana haweenka kuwa qeybta libaax ka qaatay welina ka qaadanaya dib-u-dhiska xaaladaha asaasiga ee nolosha Soomaaliya iyo qurbahaba.

In kastoo aan rumeysnahay in Soomaalida niyadda wanaagsan oo dhan ay wax ku taaran karaan hawsha lagama maarmaanka u ah xasuusta wixii dhacay oo aan aaminsan ahay in loo baahan yahay, haddana waxaan arkaa inay haweenku karti u leeyihiin inay qayb libaax ah ka qaataan arrintaas. Marka koowaad, haweenku waxay weligood ahaayeen halka ay siyaasad ahaan iyo caadifad ahaanba iska galaan shabakadda ehelnimo oo mabda’ ahaan aad uga ballaaran tan ay qeexeyso aragtida qallafsan ee ku dhisan kali taliska ragga (“patrilineal fundamentalism”) taasoo ay dadka ku khasbeen horjoogayaasha qabiilka iyo dagaal oogayaashu. Tan labaad, haweenku waxay dib u tiigsan karaan heegaar iyaga u gooni ah oo ay si gaar ah isha ugu hayaan waxyaabaha ugu yaryar ee nolol maalmeedka aan looga maarmin iyo sidoo kale xiriirka bulshada ee daryeelka dadka ku dhisan uu yahay mid ay u geysay han iyo sharaf ee aan ahayn jaranjaro lagu gaaro xukun dad iyo awood siyaasadeed. Tan saddexaad, haweenku waxay leeyihiin khibrad ay ku diidaan in qaabka jirkoodu yahay ka xaddida cawaaqibkooda  iyagoo weli si buuxda u garowsan in jinsi soocu uu yahay awood dhab ah iyo xoog wax dumiya oo ay tahay in si firfircoon loola taabba galo oo loo hor istaago. Feejignaantaas oo kale ayaa loo baahan yahay si loo fahmo loolana dhaqmo qeybaha qabiilka iyo wixii kaloo dadka kala qoqobaya. Maaddaama aysan ahayn in qofka ciriirigaas la gasho qasab bay nagu tahay inaan caada ka dhiganin inaan qaadanno xubnahaas, innagoo dhanka kalena qirsan awoodda ay leeyihiin  iyo dhibka ay geysan karaan marka qofka la isaga shaabadeeyo.  

Waxaan kaloo rumeysnahay kaalinta gaarka ah ee ay dhallinyaradu ka qeyb qaadan karto hawl xasuuseedka loo baahan yahay ee aan eexasho lahayn ee dhali karta miro wanaagsan, sida loo soo jeediyey Rwanda iyo Yuguslavia-dii hore kadib colaadihii dalalkaas ka dhacay, laakiinse mawduucaas waxaan u deysan karnaa fursad kale.                 

WDN: Ma aragtaa kaalin gaar ah oo ay sugaantu ka qaadan karto hawl xasuuseedka aan kor ku sheegnay ?

Prof. Ladan: Haa, si aad ah. Hawshani waa hawl socota . Waxaa ka mid ah qorayaasha caanka ah sida Nuruddin Faarax iyo Cabiraxmaan Waaberi, iyo qoroyaal kale oo hadda soo baxaya sida Cabdirisaaq Y. Cismaan (In the Name of the Fathers, 1996), Faysal Axmed Xasan (Maandeeq, 2000), iyo Yasmeen Maxamuud (Nomad Diaries, 2011). Waxaa ugu dambeeyay Little Mother (Madre Piccola) oo ay qortay Cristina “Ubax” Cali Faarax oo lagu daabacay Indiana University Press. Waxaan jeclahay inaan si gaar ah u sheego Maxamuud Togane, oo deggan Montreal, oo sannado badan si joogta ah bannaanka ugu soo saaray isagoo yasaya been abuurista qabiil nebcaan oo ay allifeen (wadaanna) dagaal oogayaasha dhinac kastaba. Hawl xasuuseedkaasi waa mid culus oo nooga baahan  garwaaqsiga iyo inaannu ka hornimaadno been abuurista ku salaysan qabiil nebcaanta qotada dheer oo aad moodid in la wada  aamminsan yahay.

WDN: Ugu dambeyntii, xaggee ayaa buugga laga gadan karaa?

Prof. Ladan: Buugga waxaa laga gadan karaa inta badan dukaannada buugaagta lagu iibiyo ee online-ka sida Amazon iyo Jaamacadda Pennsylvania (University of Pennsylvania in the USA: http:// www.upenn.edu/pennpress/book/ 15056.html), Email This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.   ama ka dalbo: 800-537-5487. Code P5A2 for20% reduction
WDN: Waa ku mahadsan tahay, Ladan, waqtiga aad na siisay.

Prof. Ladan: Adigaa mudan, Cabdikariim.

Waxa tarjumay Axmed Ciise Cawad
Khartuum, Suudaan

Additional information