Ma Sanaag iyo Sool baa la gadayaa?
- Details
- Written by khalid
Mooryaankii Badda Soomaaliyeed iibsaday, ayaa suuq gaynaya Sool iyo Sanaag oo waxa loo magcaabayaa in uu hogaamiyo wafdiga dawlada Soomaaliya u qaabilsan wada hadalka Beesha Isaaq

C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo horey u ahaa wasiirkii xiriirka iskaashiga caalamiga ee dawladii federaalka Soomaaliya oo saxiixay heshiiskii badda Soomaaliya looga iibiyey Kenya, ayaa hada shaaca waxa laga qaaday in uu hogaaminayo wafdiga dawalada Soomaaliya oo la doonayo in ay wada hadalka la galaan maamulka SNM iyo Beesha Isaaq. Shirkan ayaa waxa uu ka furmayaa dalka Ingiriiska bisha shanaad ee sanadkan 2013.
Todobada la taliye, ee madaxweyne Xasan Culusoow oo dhamaantood ka soo wada jeeda Beelaha Hawiye iyo Dir, ayaa talo ku siiyey Madaxwynaha in wafdiga dawlada uu hogaamiyo Mooryaankii horay u iibsaday badda Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Beesha madaxweynaha , garabka CabdiQaasim.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow iyo wasiirkiisa arimaha dibadda Fawsiya Xaaji Aadan, ayaa shirkan waxay si wada jir ah ula gudoomin doonaan Madaxda Ingiriiska, halka sida shirka loo wado hadda ayAA Bulshada ka soo jeeda Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante, waxay noqon doonaan kuwo natiijada shirka ka daawan doona Talafishanada ku hadla Afka Soomaaliga.
La taliyaasha Madaxweyne Xasan Culusoow, ayaa siyaasada ay arintan ka leeyihiin waxay tahay in awooda Beesha Daarood loo qaybiyo Waqooyi iyo Koonfur oo gobolada Sool iyo Sanaag la hoos geeyo maamulka Dirta Waqooyi, halka koonfurtana ay doonayaan in Gobolka Gedo la hoos geeyo maamulka Digil iyo Mirifle.
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

