Madaxweynaha Walaashiis oo xabsi ka baxsatay

Nuurto Culusoow, oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xabsi ka baxsatay, waxayna hadda ku sugan tahay dalka Kenya.

nur

"Mid ka mid ah Reer NGO oo dhiiga caruurta iyo dumarka Soomaaliyeed qaaraan ku raadsanaysa"

Nuurto Sheekh Maxamuud waxa ay la dhalatay madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxa la sheegey in ay ku lug lahayd fadeexaddii saxaafadda kusoo baxday ee la sheegey in haweeney barokacayaasha ka mid ah lagu kubsaday, arrintani oo murankii ka dhashay lagu xirey Cabdicasiis Afrika iyo Haweeneydii la yiri waa la kufsaday.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo Marwo Nuurto Culusoow , oo  ay walaalo yihiin Madaxweyne Xasan Culusoow  ahna   Gudoomiyaha Ururka Daryeelka Qoyska iyo Caruurta ee SFCC  inay u adeegsato xilkii ay u haysay horumarinta haweenka inay ku xaqirto dumarka iyadoo ay rabto inay u hiiliso Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay walaalkeeda.
Arrintan waxay ka dambeysay kadib markii ay waraaq ay qortay ay gaartay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyadoo beeninaysa haweenay la kufsaday oo ay xadgudub weyn u geysteen xubno sheeganaya Ciidamada Qaranka oo ka mid ah maleeshiyaadka walaalkeed

Warqada ay qortay Nuurto Culusoow, waxaa ay sheegaysaa in baaritaan lagu sameeyay haweenayda la kufsaday oo ah marwo la qabo, baaritaanka waxaa lagu sheegay inuu sameeyay dhaqtarka ay leeyihiin Cisbitaalka  Booliska ee Madiina oo aan oolin wax qalab ah oo sameyn kara baaris noocaas ah.

Waxaa ugu naxdin badan ayay leeyihiin hay’adaas qof lagu aaminay inay gacan siiso haweenka inay u adeegsato kalsoonadaasi difaaca walaalkeeda.

Xubno ka tirsan Ururada haweenka Baay iyo Bakool ayaa ku tilmaamay Nuurto Culusoow. inay tahay qof aan lagu kalsoonaan karin markan kadib sidoo kalena ay cambaareynayan ficilkeeda.

 

Additional information