Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeyey geeridii Suldaan Cabdi Cali Sonkor

som

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 31 January,2013 ka tacsiyeeyey geeridii Alaha u naxariistee xalay ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor.

'' Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Dowladda Puntland iyo magaca Shacabka Reer Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Ehelladii, iyo dhammaan shacabka gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, oo aan uga tacsiyeynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sonkor, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degan gobollada Jubbooyinka oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya'' ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowsa ka waraabiyo Marxuumka ,eheladii ,qaraabadii iyo dadka Soomaliyeedna ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Amiin Amiin.

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

Puntland President Office" < This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information