Beesha Sde Daarood oo taageertay maamul u samaynta Juboyinka

Waxagarad Iyo Siyaasiyiin KasooJeeda Beesha Sade (Mareexaan OoTaageeray Maamul U SamayntaGobolada Jubooyinka Iyo Gedo).

sade

Kulan balaaran oo lagu taageerayey maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Geddo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo ay  qayb galeen waxgarad ,siyaasiyiin ,aqoonyahano iyo weliba qaybaha haweenka ka Soo jeeda goboladaasi ayaa dhamantood isku raacay in si cadaalad ah loogu sameeyo goboladaas maamul loo dhanyahay.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka Beesha Sade  Daarood ayaa waxaa halkaasi hadalo ku aadan maamul u samaynta goboladaasi ka jeediyey ugu horayntii C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaanmalay) isagoo sheegay inay si,aad ah ugu faraxsan yihiin howlaha ku aadan maamul u samaynta ka socda kismaanyo iyo Nairobi.


Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay nabadoon Nuur Cali Xasan (Nuur Gab) oo sheegay  in dowlada federaalka Somalia ay faraha kala baxdo maamul u samaynta gobolada Gedo iyo Jubooyinka madaama ayuu yiri uu dastuurku dhigayo in waxii ka badan labo gobol ay samaysan karaan maamul goboleed.

Waxaa dhinaca kale ugu baaqay hay,adaha samafalka inay gargaar degdeg ah la gaaraan gobolada gedo iyo Jubooyinka nabadoon Xasan Caydiid Culujoog isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay nabada taageeraan islamarkaana samaystaan maamul u gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee kulankan ay yeesheen waxgaradka beesha Sade ayaa kusoo beegmaya xili qabanqaban xoogan oo ku aadan mamul u samaynta gobolada Gedo iyo Jubooyinka ay ka socdaan Kismaanyo iyo Nairobi.
Somaliweyn

Additional information