IGAD oo Arrimaha “Jubbaland” ka wadda hadlay

Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Dawladiisa oo laga diiday Shukaansigii ahaa in Jubooyinka aan maamul loo samayn.

shukaansi

Kullankii 48aa ee Dowladaha ku bahoobey Urur Gobaleedka IGAD ayaa ku soo dhamaaday Magaaladda Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya.

Illo Siyaasadeed oo laga helayo kullankaas ayaa sheegay in Xaaladda Maamul u samaynta Gobaladda Jubooyinka laga hadlay isla markaasna Si khaas ah Labadda Wasiir ee arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Iyo Itoobiya ka wadda hadleen.

Wasiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Dr Foosiya Yuusuf Xaaji Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr Tedhros ayaa ka wadda hadlay arrimaha.

Urur Gobaleedka IGAD ayaa la sheegay inuu la yaabay in Dowladda Soomaaliya ay doonayso in Nidaamka Federalisim wax laga badallo arrinta Gobaladda Jubooyinka darted.

Siyaasi diiday in Magaciisa la shaaciyo oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “ Soomaaliya waxaa ku jira damac ah in Nidaamka Federalisim oo waddo dheer loo soo maray ay ka talowdo isla markaasna doonaya nidaam Dowlad Dhexe “ Centralisim”

Dowlaha IGAD ayaa ku gacan saydhay arrintan isla markaasna u sheegay Qoddobadda Wasiiradda Arrimada Dibadda ay soo bandhigtay ee ahaa in Nidaamka Federalisim la baddalo oo Dowladdo si toos ah u maamusho gobaladda, waxayna Urur Gobaleedka IGAD u sheegay Wasiiradda in la raaco nidaamka AMISOM IYO IGAD ee ahaa (grand stabilization of Central and South Somalia)

Nidaamkani wuxuu qeexayaa in Xukumadda Soomaaliya, IGAD, iyo AMISOM iska kaashataan, Maamul u samaynta Gobaladda Badhtamaha Koonfureed ee Soomaaliya oo Dowladdu Maamul Dadku doonayaan garab istaagto oo u soo dhisto.

Arrinta Maamulka Jubooyinka oo Cod loo qaaday kaddib markii lagu hishiin wayay Nidaamka wax u socdaan isla markaasna Dowladdu ku adaygtay in Maamul u soo dhisto isla markaasna la sameeyo in si toos u maamusho midaas ka hor imanaysa nidaamka Federalisim.

Dowladaha IGAD, Soomaaliya Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sudan, Iyo Koonfurta Sudan ayaa codeeyay waxaa isku meel maray, Jabuuti Iyo Ugandha Iyo Soomaaliya, Meesha, Kenya, Itoobiya , Labadda Sudan isku meel mareen. Taas noqotay 4 Iyo 3 Cod isla markaasna qoddobkaas cod toos loo qaaday.

Foosiya Yuusuf Xaaji ayaa si xooggan iskugu dayday in lagaga takhaluso arrimaha Maamul u samaynta Jubooyinka Midaas oo hadda noqotay mid ay ku guul-daraysatay.
IGAD ayaa sheegtay in Wadamadda Reer Galbeedka ee danaynaya arrimaha Soomaaliya u gudbin doonaan Warbaxin ku saabsan arrimahan.

Additional information