Maleeshiyaadkii Muqdisho oo mid ka mid ahaa is qarxiyey

Cali Cabdi Xareed oo ka mid ahaa Saraakiisha  Ciidanka ayaa isku qarxiyey Albaabka RW Soomaaliya . Laakiinse Culusoow iyo Xulafadiisu waa inkireen sarkaalkan Villa Soomaaliya isku qarxiyey in uu ka mid ahaa Maleeshiya Beeleedka Muqdisho laga qoro

cadso 

Taliyaha Nabadsugida gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa khilaafay hadal uu maanta saxaafadda siiyey wasiirka warfaafinta dawlada Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo uu ku  sheegay in ninkii saaka isku qarxiyey Albaabka  xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya uu ahaa nin ka tirsan ciidamada nabadsugida dawlada.

Cali Cabdi Xareed, oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka nabad sugida Soomaaliya  ayaa saaka isku qarxiyey afka hore ee Villa Soomaaliya isaga oo doonayey in uu khaarijiyo RW Soomaaliya Cabdi Faarax, wuxuu dilay    Askari  ka mid ah ilaalada R'isawasaaraha  isaga oo sidoo kalena dhaawac gaarsiiyey  shan kale.

Sarkaalkan ka midka ah Ciidanka Beelaha Muqdisho oo lagu sheego in ay yihiin Ciidan qaran,ayaa  maalmo ka hor waxa uu ka mid ahaa kooxda  Alshabaab , hase ahaatee waxa lagu daray Maleeshiyaadka  la qorayo oo la doonyo in Caalamka la tuso si cunaqabataynta hubka Soomaaliya looga qaado.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Ereg,  oo qarinaya siyaasada Madaxweyne Xasan  Culusoow ee Ciidamada Soomaaliya lagu qorayo ayaa yiri sidan,  isaga oo beeninaya in ninkii is qarxiyey uu ka mid ahaa  saraakiisha Ciidanka. "Ninkan kama tirsaneyn ciidamada nabadsugida, wuxuu ka soo baxsaday Al Shabaab, wuxuu ahaa nin Al Shabaab ah oo dawlada isu soo dhiibay, wuxuuna iska soo dhiibay Wanlaweyn bishaan 14-keeda, waxaana uu ku jiray xerada Sarendi oo lagu dhaqanceliyo kooxaha ka soo goosta Al Shabaab.” ayuu yiri taliyaha hay’adda nabadsugida ee gobolka Banaadi"

Villa Soomaaliya oo ay ilaaliyaan ciidamada Afrikaanka ee AMISOM, suurtagal ma aha in nin dhaqan celis ah oo Xero Ciidan  ku jira , inta uu xerada ka soo baxo, horayna u  soo qaato waxyaabaha qarxa in uu gudaha u soo galo villa soomaaliya ,isaga   isku qarxinaya  albaabka hore ee xafiiska RW Soomaaliya, taasina waxay kuu cadaynaysaa in hadalka taliyuhu   uu been yahay  oo isaga naftiisu horay u ahaan jiray Mooryaantii Muqdisho.

Gebagebadii Soomaali oo dhan ayaa khatar ku jirta,  hadii Maleeshiyaadka isku wada beesha ah oo   maalinba magac iyo Urur sheeganaya lagu sheego in ay yihiin Ciidan Qaran si Soomaaliya Cunaqabataynta hubka looga qaado.
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information