Kaligeen Waa In Nalala Hadlaa

haraa

Allsanaag: Wajiga labaad ee wada hadalada dhaxmari doona Reerka Isaaqa iyo Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan dhacaan. Wada hadaladan ayaa waxaa wasiirka arrimaha dibada ee maamulka Hargaysa oo isagu aaminsan in reerkooda loola hadlo iney dhulkii Soomaliland la isku oran jiray ay iyagu yihiin, ayaa shuruud iyadu is dooratay ku xiray wada hadalada dhici doona, iyadoo wada hadalada dadkii Qabiilada kale banaanka laga istaajinayo.

Waxa uu yiri,“Ma ogolaan doonno in wadahadallada ay kasoo qaybgalaan xubno kasoo jeeda Warsangeli, Dhulbahante, iyo Gadubiirsi, dhankeenna oo matalaya Soomaaliya. Waxayna Wadahadalladan daba-joogaan wadahadalladii ka dhacay London iyo Dubai sannadkii hore,” ayuu yiri Cumar.

Wada hadalka Soomaaliya iyo Isaaqa ayaa haboon in ay ku koobnaato oo keliya in lagala xisaabtamo dhibaatada ay ka geesteen gobolada derriska la ah iyaga, dabadeedna laga dhageesto xasuuqa ay sheegeen in Soomaaliya ay u geesatay beeshooda markii dawladii Maxamed Siyaad uu joogay.

Wixii siyaasad quseeya ee hadii ay noqoto in laga hadlayo isku darsankii laba dhul markii gumaystaha uu ka tagay waa arrin ay tahay in marka hore ay iska arkaan qabiiladii wada degi jiray Soomaaliland dhulkii la isku oran jiray. Wada hadaladaasna ay noqdaan in dadkoo dhan ay dooneyaan iney soo wada ceshato wixii ka dhaxeeyay iyo in kale.

Hadiise beesha Isaaqu aysan ku qanacsaneen kasii mid ahaanshaha Soomaaliya waa in ay ka codsadaan Soomaaliya inteeda kale ineysan ku qanacsaneen iney Soomaaliya kasii mid ahaadaan sidaa darteedna intaa dhulka ay ka daganyihiin Isaaq ahaan in loo gooyo oo adduunkana loo weydiiyo aqoonsi. Taas ayaana ah xalka ugu wanaagsan ee ay ku goosan karaan, laakiin habkan qayaaliga ku saleesan ee sheegashada dhul ummad kale ay deggan tahay waa uun caqliga dadka sida fayow aan u fakirin rabitaankooda.

Dawlada Soomaaliyana waxaa la gudboon ineysan abuurin dhib, waayoo ah marka xal aad raadineyso waa inaadan adigu dhib kale abuurin. Dawlada waa iney isweydiisaa su’aalahan;

1.Ma beel ayaan la hadleenaa mise dadkii la isku oran jirey Soomaaliland?

2.Beelaha Soomaaliland wada daganaa ma u dhan yihiin Goosashada?

3.Hadii beelihii kale ay taageersan yihiin dawlada Soomaaliya, qabiil kaligii raba inuu goosta maxaa lag yeelayaa?

4.Hadii beesha Isaaq ay rabaan iney dhul kale sheegtaan aysan laheen maxaa loogu jawaabi?

5.Wada hadalku ma mid loogu daneenayaa beel kaligeed?

 

Gabagabadii, sheekadan soo noqnoqotay ee qabiil raba inuu goosto waa in la soo afjaraa; si loo soo afjarana, waa in wada hadalada lala galayaana ay noqdaan kuwo si dhab ah loo abaaro beesha iyadu is caleemo saartay waxa ay rabto, laakiin aan waqtiga lagu lumin sheegashadooda ah iney iyagu is caleemo saareen. Dawlada Federaalka ee Soomaaliyana waa iney tixgalisaa rabitaanka dadka kale ee aan rabin iney goosataan.

 

Allsanaag.com

Additional information