Madaxweyne Culusoow oo Maraykanka u dhoofay
- Details
- Written by khalid
(ALLSANAAG) Madaxweyne Culusoow ayaa dalka Maraykanka u dhoofay si uu uga codsado dalkaas, in Cunaqbataynta hubka laga qaado Maleeshiyadkiisa iyo in uu qaramada midoobey sidoo kale ka codsado in Ciidamo ka soo jeeda dalalka Ugaandha iyo Jabuuti la geeyo degaanada Jubooyinka.

Maanta gelinkii dambe ee waqtiga Muqdisho, waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow , wafdiga Madaxweynahana waxay kusii jeedaan dalka Mareykanka.
Xasan Culusoow iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),wasiirro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanno iyo saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Wafdiga madaxweynaha waxa ku weheliyey socdaalkiisa R'asa wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo sidoo kale la taliyeyaasha Madaxweynaha ee Xisbiga DAMULJADIID.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa inta uu joogo dalka Mareykanka waxa uu kulammo la qaadan doonaa madaxda Dalka Mareykanka oo ay ka wada hadli doonaan in cunaqabataynta hubka laga qaado iyo Ciidamada Kenya oo hada jooga Jubooyinka lagu bedelo kuwo ka soo jeeda dalalka Jabuuti iyo Uganda
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

