Obama ayaa lagu eedeyey white male cabinet
- Details
- Written by khalid
Madaxweynihii u horeeyey Maraykanka ee lahaa Madabka madow , ayaa lagu eedeeyey in uu shaqaalaysiiyo Raga leh midabka Cad.

(ALLSANAAG) Madaxweynihii u horeeyey Maraykanka oo leh midabka madow ayaa lagu eedeeyey in uu golaha wasiiraada cusub ka soo buuxiyey Nimanka Cad white men, eedayntan ayaa ka timid xisbigiisa Democratic Party iyo qaar ka mid ah Madaxda dadka madowga ah ee ku nool dalka Maraykanka.
Madaxweyne Obama ayaa maalintii khamiistii u magcaabay Jack Lew, wasiirka khasnada dawlada , wuxuu noqonayaa wasiirkii afraad oo ah nimanka leh midabka Cad l oo maalmihii ina dhaafay uu u magcaabo golihiisa wasiirada.
Magacaabida Lew, waxa ka horeeyey Senator John Kerry oo bedalaya xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton. Wuxuu kaloo magcaabay wasiirka difaaca oo u magcaabay Senator Chuck Hagel iyo John Brennan oo loo magcaabay H'ayda Sirdoonka Maraykanka CIA Central Intelligence Agency.
Arintan oo jirta ayaa wasiirkii qura oo ka mid ahayd golaha wasiirada Obama, ahaydna wasiirka shaqaalaha oo ka soo jeeday Qowmiyada Isbaanashka Hilda Solis (first Hispanic woman in the cabinet) ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay wasiirnimada maalintii Arbacada. Lisa Jackson, oo iyana ahayd gabar madow ayaa bishi hore ku dhawaaqday in ay iska casishay madaxa Environmental Protection Agency.
Xildhibaanka xisbiga dmoqraadiga ee laga soo doorto NewYork Charles Rangel, oo ka mid ah Xildhibnaanada madowga kuwooda waqtiga badan hayey xilkan ayaa ka yiri arintan sidan magcaabista Obama “It`s embarrassing as hell"
Xildhibaanka laga soo doorto New Hampshire Democratic Shaheen, iyana waxay tiri “disappointing.” " Waa hungownay
"Waxaan doonaynaa gole dawlada oo u eg Amerika, si ay dadka oo dhan u wada metesho"
“We need a government that looks like America so we can address the concerns that we hear from across the spectrum,” she said.

