Shariif Axmed oo Maraykan u dhoofay
- Details
- Written by khalid
Shariif Axmed ayaa Maraykanka u dhoofay Shalay, si uu halkaa uga barto Luqadda Ingiriiska (ESL) English as a Second Language.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Axmed ayaa u dhoofay dalka Mareykanka, halkaasoo uu ku baran doono barashada Luqada Ingiriiska ESL, kadib markii uu ogolaansho ka helay Jaamacada magaalada Boston.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa shalay garoonka diyaaradaha Kampala ku sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo booqasho ku jooga, Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Sayid Axmed.
.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa raacay mid ka mid ah dhowrkiisa xaas oo kula sugnaan doona dalka Mareykanka mudada uu joogi doono ee ku siman casuumaada, iyadoo uu dib dalka ugu soo laaban doono.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Uganda ka helay casuumaad rasmi ah, iyadoo deegaan ka siisay magaalada Kampala, kadib markii uu ka guuray magaalada Muqdisho bishii November ee sanadkii hore uu ka guuray magaalada Muqdisho

