Madaxweynaha Puntland oo Kulan la Yeeshay Dhalinyarada Gobolka Bari(Sawiro

Madaxweynaha Puntland oo Kulan la Yeeshay Dhalinyarada Gobolka Bari(Sawiro).

awaooo

 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 12 January,2012 waxa uu kulan kula yeeshey Madaxtoyada Bossaso qaar ka mida dhalinayrada gobolka Bari.

Wasiiro ka mida xukuumadda sida Amniga Khliif Ciise Mudan ,Maaliyada Faarax Cali Jaamac ,saraakiisha Madaxtoyada iyo weliba Afhayeenka Issimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa qayb ka ahaa kulankan,halka dhalinyarada uu horkacayey gudoomiyaha dhalinyarada iyo cayaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase.

Madaxweyne Farole ayaa dhlinta hadal u jeediyey iskugu jirey dardaaran ,baraarujin iyo balanqaad ,waxana uu kala hadlay xoojinta amaanka ,ka qayb qaadashada Geedi socodka nidaamka Axsaabta Puntland iyo weliba wacyigelin ku saabsan Tahriibta iyo khatarteeda.

Sanadka 2013 ayuu ku tilmaamay madaxweynuhu sanadka dhalinyarada iyo socod siinta Axsaabta bada ,waxana uu u balanqaadey fursado shaqo inay helayaan fursado shaqo ,isagoona si gaar ah ugu baraaruiyey ka qayb qaadasha nabadgelyada.

Dhalinta gobolka Bari ayaa soo jeediyey mahadnaq kulankan ku saabsan iyo weliba soo dhoweyn nidaamka cusub ee Puntland uga dan leedahay in looga baxo wax ku qaybsigii Qabiilka iyo weliba ka shaqeynta amaanka xojintiisa.

DSC08978













Additional information