Saacid Iyo Culusoow oo shaqada loo tababarayo
- Details
- Written by khalid
Qaramada midoobay, ayaa tababaraysa Madaxda Dawlada Fedraalka Soomaaliya iyo Shaqaalaha xafiisyadooda.

Hay'ada Qaramada midoobay ee United Nations Development Programme (UNDP) ayaa waxay tababaraysaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow iyo RW Soomaaliya Saacid iyo dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyadooda oo hada ay ku muuqato kuwo aan u carbirsanayn shaqada Culus ay hayaan.
Arintan oo dhowaan ka dhacday Muqdisho iyo kuwo badan oo la mid ah ayaa kuu cadaynaysa in madaxda Soomaalidu ay yihiin kuwo ku bahadilan xilka ay hayaan sharaf dhacna ay u keeneen Bulshadii Soomaaliyeed.
Taarikhdu markey aheyd 10\01\2013 waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafti heersare ah oo ka socda bankiga Adduunka, wafdigaas oo garoonka diyaaradaha Muqdsho ay u tageen sao dhaweyntooda Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Raysalwasaare Saacid, balse aysan usuurta galin labadaas Masuul in ay la kulman madaxda soo gaartay Muqisho. Laakiinse waxey gudigii qaabilaad heersare ah la yeesheen Gudoomaiyaha baarlamanka Sopomaaliya Mudane Jawaari oo goobta uu keenay Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Agustino Mahiga, halkaas oo looga galbiyay Xarunta xalane labadii duhurnimo, waxanaa dib loogu soo celiayay, markii kulankii dhamaaday garoonka Diyaaradaha oo ay ka anba baxeen iyaga oo aan qaabilin labad M;asuul ee ugu sareeyay dawlada Federaalka Soomaliya .
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

