Boosaaso waa Hooyada Ilbaxnimada
- Details
- Written by khalid
Hadaad sugaysay in Puntland lagu dagaalamyo oo Alshabaab gacanta u geli doonto Boosaaso. Daawo labadan sawir
Warbaahintii, Siyaasiyiintii iyo Argagixisadii ku riyoonaysay in Puntland burburayso oo lagu dhex dagaalami doono bisha kowaad siddeeteeda 2013, sidaasna Alshabaab ay ku qabsan doonto, waxa fiicnaan lahayd in ay daawadaan labadan sawir oo tarjumaya xaqiiqda dhabta ah oo ka jirta gudaha Puntland iyo magaalada barakaysan ee Boosaaso iyo sida Caalamku u tixgelinayo nabdda iyo Dimoqraadiyada ka hirgalaysa Puntland
Sawirka hore, wuxuu ku tusayaa nabada ka jirta Puntland, gaar ahaan magaalada Boosooso oo inta barxad ku taal magaaladaas la tegay xilli habeen ah isla markaasna xaflad lagu qabsaday iyada oo nabddu sugan tahay. Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxa xafladaha noocan oo kale ah ku ilaliya Madaxda Soomaaliya gawaarida AMISOM iyo Ciidamo Ugaandhiis ah
Sawirka labaad oo maanta ah, wuxuu ku tusayaa sida Bulshada Caalamku ula dhacsan tahay dimoqraadiyada iyo kala danbaynta ka jirta Puntland, halka Culusoow iyo xulafadiisu ay noqdeen qabiilaystayaal aan macnaha dawladnimo fahamsanayn.
Isimadii Harti
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Bosaso ku qaabiley Wafti ka socda Dowlada Mareykanka oo uu hogaaminaya Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan iyo saraakiil Mareykan ah.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

