Sharcigu ma qabto Nuur Cade
- Details
- Written by khalid
Safiirkii Xatooyada sameeyey oo kiraystay Safaarada Soomaaliya , waxa loogu abaal guday Amaan halkii ay ka ahayd in shaqada laga cayriyo, maxkamadna lagu soo taago Xatooto xoolo dadweyne.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) marna noqday R/wasaaraha Soomaaliya oo kiraystay dhismihii safaarada Soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga, ayaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fawsiya Xaaji Adan ku amaantay falkan Mooryaanimada ah oo ka hor imanaya Sharci kasta oo aduunka u yaal ee uu sameeyey Nuur Cade.
Heshiiskan dawlada Soomaaliyeed waxba kama ogayn, lacagtan kiraduna waxay toos ugu dhacaysaa Jeebka Nuur cade.
Madaxda aan ka midka ahayn Beesha madaxweyne Culusoow, iyaga shaqada waa laga cayriyaa waxaana loo dhaadhiciyaa xabsi, sida ku dhacday Taliyihii hore ee ciidamadda Asluubta Somaliya Sareeye Guuto Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) oo ka soo jeeday Beesha Samaroon, ayaa Maxkamadu sheegtay in lagu helay inuu Xabsiga ka siidaayey 14 Maxbuus oo Al-shabaab ahaa.Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa Taliyihii ciidamadda Asluubta ee Somaliya Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ku ridday xukun xabsi daa’in ah.
Nuur Cadde , 18 Sano ayuu ka kireeyay dhismaha Safaarada Soomaalidu ku leedahay dalka talyaaniga shirkad la yiraahdo Italian Tourist service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga.
Nuur Cade iyo Shirkadu, waxay heshiis ku galeen in 9-ka sano ee hore ay bixiso shirkadu $1080, 000 (melyaniyo sideetan kun oo doolar) iyada oo 9-ka sano oo danbana bixinaya $1,620,000 (melayan iyo lix boqol iyo labaatan kun oo doolar).
Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay.
Allsanaag.com,
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

