Fiqi Ma Xisaabiyaa mise Wasiir Qaran?
- Details
- Written by khalid
Wasiirka Gaashaandiga Soomaaliya Ma xisaabiye Mushahaarka qaada ayuu noqday , sidoo kalena Wasiirku Gobolada Bay iyo Bakool qura miyuu Mushahaarka geeyaa, goorma ayuu Ciidamada Qaranka ee Khaatumo iyo Maakhir ku sugan ay heli doonaan Mushahaarkooda.

Qarankii Soomaaliyeed Qosol bay u haystaan Culusoow iyo Xulafadiisu
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, ayaa markii labaad sidii uu yahay Xisaabiye guud ama khasnajiga wasaarada gaashaandhiga waxa uu diyaarad ku qaaday Mushahaarkii Maleeshiyaadka dawlada taageersan ee ku sugan Gobolka Bay iyo Bakool, halka Ciidamada taageersan Dawlada Soomaaliya oo ku sugan Maakhir iyo Khaatumo ayna helin wax mushahaar ah muddo badan.


Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga doowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirku uu wado lacago mushahaaraad ah oo la siinayo Maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool.
Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Taliyaha ciidamada XDS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Maleeshiyaadka dawlada magaceeda ku shaqeeya ee jooga gobolka Bay, waxaana bixinta mushaharkan uu ku soo beegmay labo maalin ka dib markii baarlamaanka uu ogolaaday miisaaniyada cusub ee dawlada ee sanadka 2013 taas oo lacag loo qoondeeyey Maleeshiyaadka Muqdisho iyo kuwa Bay iyo Bakool
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

