Dawladii Soomaaliya oo noqotay Mashruuc lacageed
- Details
- Written by khalid
Dawladii Soomaaliya oo noqotay Mashruuc ay Damuljad ku dawarsi Tagaan.
Calanka Soomaaliya waxa ka qiimo badan Sawir lala galo Cumar Bashiir

Hal mar khalad waa la galaa ee Culusoow waa diidan yahay Calanka Soomaaliyeed.
Lix Wasiir oo ka mid ah Tobonka Wasiir ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ka kooban tahay waxay ku maqan yihiin dalka dibadiisa, waxayna wareegayaan Qaaradaha Afrika, Asiya iyo Yurub.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow iyo wasiirka ay beesha ka soo wada jeedaan C/kariim Xuseen Guuleed oo ku magcaaban arimaha gudaha iyo amniga oo ay hoos yimadaan ciidamada Booliiska waxay ku wada sugan yihiin dalka Suudaan.
Wasiirka arimaha gudaha oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in dhigiisa dalka Suudaan ay ka wada hadleen sidii ay tababaro u siin lahaayeen saraakiisha booliska, ciidamada, waaxda hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyo sidii ay dowladda Suudaan gacan weyn uga geysan lahaayeen tababar loo fidinayo ciidamo gaar ah kuwaas oo loogu talagalay in ay si gaar ah u sugaan amaanka magaalada Muqdisho iyo Galmudug.
Wasiirka arimaha gudaha oo u jooga dalka dibadiisa in uu la saxiixdo heshiisyo amni iyo mid ciidan dal kale , waxay ku tusaysaa aqoon yarida ka jirta dawladsa Culusoow iyo sida HAG isu hubaynayaan oo ay u doonayaan in Jubooyinka ay xoog ku qabsadaan

Damuljadii waxay ku caan baxeen salaanta Rukuucda marka ay la kulmayaan Madaxda Qaarada Yurub iyo America
Wasiirul dawlaha madaxtooyada Faarx Sakiin, isaguna waxa uu ku sugan yahay Dalka Sacuudi Careebiya, waxaana ku weheliya socdaalkiisa Saraakiil ka mid ah Dawlada Culusoow oo u badan Ururka HAG, waxayna halkaa u joogaan sidii ay lacag ugu heli lahaayeen maleeshiyaad Beeleed ku sugan magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe.
Wasiiradda arimaha dibada Fowsiya Xaaji, iyaduna waxay ku maqan tahay dalka Ingiriiska, waxay warsaxaafadeed ku sheegtay "in booqashadeeda London ay gogol xaar u tahay booqasho la filayo In madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka mudane Xasan Culusoow Iyo wafdi uu hogaaminayo ay bisha May ku tegidoonaan dalkaasi.
Wasiirada Tacliinta, Caafimaadka, dhalinyarada, cayaaraha iyo Dhaqanka Maryam Qaasim, iyaduna waxa ku maqan tahay dalka dibadiisa, waxaana Xilkaas faraha badan oo ayna qaadi karin sii wada Agaasimayaal ka soo wada jeeda Beesha Madaxweynaha.
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

