Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland

Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

saxaafad

January 1, 2013

February 25, 1998 – March 12, 1998

• Shirkii Wadatashiga Garoowe waxaa kasoo qeybgalay wakiilo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyadoo wadatashigu ku salaysnaa sidii dadka deegaanka ay u dhisan lahaayeen maamul ay ku midaysan yihiin si ay uga badbaadaan amni-darrada iyo jahwareerka siyaasadeed ee SoomaaliyaMay

15, 1998 – August 1, 1998

• Shirweynihii Dastuuriga ee Garoowe oo ay kasoo qeybgaleen Issimada Puntland iyo 480-Ergay oo ka socda shan Gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag) iyo hal Degmo (Degmada Buuhoodle)

• Shirweynahaasi waxaa lagu dhisay Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxaana Garoowe loo doortay inay noqoto Caasimadda Dowladda Puntland

• Shirweynahaasi waxaa lagu ansixiyay Axdiga KMG ah ee Puntland (August 1998 – June 2001), waxaana la dhisay Garsoor madaxbanaan iyo Baarlamaan ka kooban 66-xubin oo lagu xulay qaab qabiil, Baarlamaankuna wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen xilli KMG ah oo dhanmuddo sadex sano ah

August 1, 1998 – 30 June 2001

• Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Md. Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa hogaamiyey Puntland sadexdii sano ee xilligii KMG ahaa

July 1, 2001 – May 17, 2003

• Puntland waxaa hareereeyey khilaaf siyaasadeed – waxaana jiray isku dhac hubaysan oo kadhaxeeyey labo dhinac oo isku maandhaafay siyaasadda Puntland

• Labada dhinac waxay Boosaaso ku saxiixeen heshiis nabadeed

May 17, 2003May 17, 2003 – January 8, 2005

• Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ahaa Madaxweynaha Puntland ilaa October 10, 2004, xilligaas oo loo doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (TFG)

• Madaxweyne-ku-xigeenkii Puntland Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa la wareegay hogaanka Dowladda Puntland wuxuuna hayay xilka Madaxweyne ilaa doorashada January

8, 2005January 8, 2005

• Md. Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) iyo Md. Xasan Dahir Maxamud (Afqurac) ayaa loo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

December 2006

• Madaxweynaha Puntland ee xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa soo saaray Dikreeto Madaxweyne oo ka kooban shan qodob kuna saabsanayd: 1) dib eegidda qabyo-qoraalka Dastuurka Puntland; 2)
magacaabida Guddi Doorasho; 3) wacyigelinta bulshada; 4) afti u qaadida Dastuurka; iyo 5) qorshaha doorashooyinka Puntland

February 2007

• Madaxweynihii xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-eegida Dastuurka oo ka kooban 14-xubnood, Guddigaas oo wada-shaqayn iyo xiriir farsamo la lahaa hey’daha PDRC, Interpeace iyo hey’adaha kale ee taageera arrimaha dimuqraadiyeynta

• Guddigaas ayaa dib u eegay qabyo qoraalka dastuurka wuxuuna Guddigu wadatashi la sameeyey qeybaha kala duwan ee bulshada

June 2, 2008

• Guddiga dib-u-eegida Dastuurka ayaa Golaha Wasiirada Puntland ee xilligaasi usoo bandhigay qabyo qoraalka Dastuurka, iyadoo uu Goluhu ka dooday, ansixiyay una gudbiyay Baarlamaanka Puntland
qabyo qoraalkii Dastuurka PuntlandNovember 2008

• Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa loo magacaabay waafajinta shuruudahaxubnimada Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland2 of 2

January 8, 2009

• Md. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Md. Cabdisamad Cali Shire ayaa loo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda PuntlandFebruary 2009

• Madaxweyne Farole ayaa magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Nidaamka Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka
• Dowladda Puntland ayaa si sharci ah uga codsatay Baarlamaanka Puntland inuu dib usoo celiyo qabyo qoraalkii Dastuurka Puntland, si loogu sameeyo dib u eegis iyo wadatashi bulsho loona waafajiyo
Shareecada Islaamka iyo qaanuunka caalamiga ah

June 15, 2009

• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay qabyo qoraalka Dastuurka Puntland, ka dib markii ay ka doodeen ayna ansixiyeen Golaha Wasiirada PuntlandGeedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland

January 2, 2011

• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Guddiga Doorashada PuntlandJuly 17, 2011

• Guddiga Doorashada Puntland ee KMG ah ayaa la dhisay

November 29, 2011

• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Aftida Dastuurka Puntland

April 18, 2012

• Shirweynihii Ergada Ansixinta Dastuurka Puntland ee Garowe ayaa si rasmi ah u ansixiyay Dastuurka Puntland, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Issimada, qeybaha bulshada Puntland, Wasiiro ka socda
TFG, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, iyo saxaafadda madaxbanaan

• Maxkamada Sare ee Puntland ayaa ansixisay natiijadii codeyntii Dastuurka Puntland oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland

June 2012

• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

September 2, 2012

• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Ururada Siyaasadda Puntland

September 11, 2012

• Guddiga Doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay bilowga xilliga furitaanka Ururada Siyaasadeed ee
Puntland

November 13, 2012

• Iyadoo tixgalinaysa soo jeedin ka timid Guddiga Doorashada Puntland ayaa Baarlamaanka Puntland waxay wax ka bedeleen Xeerka Ururada Siyaasadda si loo fududeeyo diiwaangelintooda waxaana nus la dhimay khidmadii diiwaangelinta ururada
September 11 –

December 31, 2012
• Waxaa Puntland looga dhawaaqay sagaal Urur Siyaasadeed

December 31, 2012
• Iyadoo maalintaasi ay ku ekeyd xilliga diiwaangelinta, ayaa Guddiga Doorashada Puntland waxay ku dhawaaqeen in lix Urur Siyasadeed si rasmi ah loo diiwaangeliyay ayna buuxiyeen shuruudihii
• Ururada Siyaasadda oo buuxiya shuruudihii nidaamka diiwaangelinta oo dhan ayaa ka qeybgali doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ku beegan

May 2013 January 1, 2013 – January 8, 2014 (Qorshaha Mustaqbalka)

• Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa xigi doona:
o Ku dhawaaqista Sadexda Xisbi siyaasadeed oo rasmiga ah, siwaafaqsan Dastuurka Puntland

 Sadexda xisbi ayaa midkiiba xubno cusub usoo magacaabi doonaa Guddiga Doorashada Puntland oo rasmiga ah, Guddigaas oo hagi doonaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda Dowladda Puntland
 Doorashada xubnaha Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland
 Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntlando Nidaamka Geedi-socodka (Roadmap) Dimuqraadiyeynta Puntland waxaa diyaariyey soona bandhigay Guddiga Doorashada Puntland.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information