Beesha Cismaan Maxmuud oo shirtay
- Details
- Written by khalid
Beesha Cismaan Maxamuud oo ka shirtay siday Xukunka Puntland mar labaad ugu soo noqon lahaayeen.

Cade Muuse iyo qabqable dagaal Cabdulaahi saciid Samatar oo wada fadhiya
Shirkaan Wadatashi ah oo ay yeesheen Beesha Cismaan Maxamuud,oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse, Qabqable dagaal Cabdilahi Siciid Samatar, Wasiiru dowlaha sharciga Maamulka PUNTLAND Gen. Yuusuf Axmed Kheyr, Danjire Dr. Maxamed Cumar Jaamac Dhigic Dhigic Isimo,Waxgarad,Siyaasiiyiin,aqoonyahno iyo dadweyne fara badan.
Sharkan ayaa daba socday kulan hore ugu fashilmay Beesha magaalada Garoowe, kaas oo ay isugu iman lahaayeen Waxgaradka iyo Madax Dhaqameedada Beesha Cismaan Maxamuud . Kulanka Baaqday ee Garoowe lagu qaban lahaa ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Dawlada hada jirta loo inqilaabi lahaa loona dhisi lahaa Dawlad la mid ah tii Cadde Muuse oo haysatay Makiinadaha lacagta lagu sameeyo,
M/weynaha Puntland Cade Muuse Beesha Cismaan Maxamuud ,Majeerteen
1.- wasiirka dowladaha hoose & horo marinta . Cali Cabdi AWaare.Cismaan Maxamuud Majeerteen
2- Taliyaha booliska Yuusuf Axmed Khayr Cismaan Maxamuud ,Majeerteen
3-H'ayadda kheyradka badda, Al-Xabaaib-Sacid. Cismaan Maxamuud, Majeerteen
4- H'ayadda musiibooyinka dabiiciga ah iyo Sunaamida.cismaan Maxamuud Majeerteen
5- Agaasimaha dekadda weyn ee Boosaaso & maareeyaha dulimaadka puntland Cismaan Maxamuud Majeerteen
6-Agaasimaha Madaxtooyada Caydaruus Keenadiid. Cismaan Maxamuud, Majeerten
8- Agasimaha war faafinta Nuur Shire.Cismaan Maxamuud, Majeerteen
9- Lataliyaha madaxweynaha C/laahi Siciid Samata Cismaan Maxamuud Majeerteen
Eexdan iyo Qabyaaladan waa sababta keentay in maanta Alshabaab ku sugnaadaan Buuraha iyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland
Madax Dhaqameedada iyo waxgaradka Siyaasiyiinta Reer Qardho ayaa iyagu gogol u fidiyay Shirarka noocan ah ee Garoowe albaabada ka xidhatay, waxana kulankooda maanta kaga hadleen sidatan
Nabadoono ka tirsan degaanka Qardho oo sheegay in wakhtigii loo baahnaa Xukumadda Madaxweyne Faroole in ay waxqabato ay ku guuldareystay haddana aysan u harin mudo sidaas u sii dheer, loona baahan yahay in dalka khal-khal loo horseedin, xukuumadana ay ixtiraamto rabitaanka shacabka oo ah in doorasha dalka la geliyo.
Ugu dambeyntii waxaa shirka laga soo saaray la iskuna afgartay afar Qodob oo ay ka mid ahaayeen:-
1. In Qardho ay u diyaar garowday shirweynaha bad-baadinta Puntland, isla markaana gogoshiisa weli taalo.
2. In ergooyinka reer Puntland( Calooshood u SHAQAYSTAYAASHA) ee ku sugan magaalada Qardho la soo dhaweeyey, kuwa iman doonana sidaas oo kale la soo dhoweynayo, laguna wargeliyo inay Qardho tahay magaalo cidina aan laga laheyn, lagana xigin.
3. In Ciidamada nabadgelyada ee hadda joogana magaalada ay amniga ka shaqeeyaan hawlaha ergooyinka iyo qabaa’ilkana aanay faragashan Karin.
Allsanaag.com,
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

