Saacid oo booqday Boondheere iyo Wardhiigleey
- Details
- Written by khalid
Madaxweyne Culusoow oo dalka ka dhoofay iyo RW Saacid oo mar kale soo booqday Boondheere iyo Wardhiigley.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegey dalka Suudaan isagoo halkaa ugaga qeybgalaya sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegatay xornimada dalka Suudaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa kaga qeybgalayaa munaasabadan oo ka dhacaysa magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile.
Munaasabadan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu furayo mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku soo maray goobo kala duwan oo ka tirsan Xaafadaha Boondheere iyo Wardhiigleey oo ah meelaha Qaadka lagu gado.

Rw Soomaaliya Saacid, ayaa marna u bixin socdaal dibadeed iyo mid gudahaba sida Gobolada nabadda ah ee Puntland, Maakhir iyo Khaatumo oo ah kuwa uu magacooda ku joogo villa Soomaaliya, halka Mooryaanta Inqilaabka ku timid sida Mooryaan Diimeedka loo magcaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ay maanta Booqasho lacag urursi ah ku marayaan dalalka Khaliijka.
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

