Maleeshiyaadka Muqdisho oo u dabaal degay Sanadka Cusub

Maleeshiyaadkii Xasan  Culusoow ayaa Xalay Villa Soomaaliya kula dabaal degay Sanadka Cusub kuwa AMISOM.

masiixi

Ciidamada dowlada Soomaaliya( Maleeshiyaadka Muqdisho) ayaa ka qeyb qaatay dabaaldagyada sanadka cusub ee 2012-ka iyadoona ay soo bandhigeen heeso kala duwan oo ah kuwo Itoobiyaan iyo Ugaandhiis ah.

Soomaaliya waa tiyaatar aan iridiisa la ilaalineyn oo dal kasta riwaayaduu rabo ku dhex jilo, waa maqaaxi adduunka u furan oo khamaar diblamaasiyeed ay ku cayaaraan ciday rabaan, waa dhul aan cidi ilaashan oo ciidan kastii galo oo meeshuu rabo ka tago iyagoo, hadday rabaan, Soomaalida sida xoolaha u laynaya, waa suuq aan nidaam lahayn oo fawdo ah oo duul kasta oo raba iney cid dhiig miirtaan, si ay lacag uga sameeyaan, u soo shaqa tagaan.

masiixiyad

Maleeshiyaadkii Kufsiga ka gaysan jiray Muqdisho oo dhigan jiray Isbaarooyinka, ayaa tii ku daray  Dhaqan xumo kale  oo  ah in ay u dabaal degaaan  mid ka mid ah maalmaha diinta Masiixiga

Published on November 9, 2012 by Radio Muqdisho

Maamulka gobalka Bakool ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagmada Xudur ee gobalka Bakool tababar loogu soo xiray ciidan tiradoodu ay kor u dhaafeyso 600 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Bakool mudane Axmed Cabdi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi ayaa sheegay in Afartii bishan  tababar loo soo xiray Lix Boqol askari oo ka tirsan ciidamada XDS kuwaas oo muddo Lix bilood ah tababar uga socday magaalada Xudur.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la isku halleynkaro ammaanka gobolka wixii ka dambeeyay markii malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeyay inta badan deegaannada gobolkaasi,  isagoo tibaaxay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo aan kala go’laheyn kaas oo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka.

Halka ka daawo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo Maanta Culusoow iyo Xulafadiisu ay magaca ka dileen iyaga oo Maleeshiyaada isku wada Beel ah ku sheegay Ciidan Qaran


Ethiopia-Ciidan

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu soo dhaweeyay xukuumadda cusub ee dhawaan uu magacaabay R/wasaare ‘’Shirdoon’’ wuxuuna ugu baaqay Baalmanka in ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan xukuumadda si ay wax uga qabato dhibaatooyinka ka dhashay dowlad la’aanta ee muddada dheer ka jirtay dalkeenna.

Source: (From RADIO MUQDISHO Web Site)

 

---------------------------------November 3, 2012-------------

Hoos ka akhriso Radio Muqdisho qoraalkeed ciidamadaa ku saabsan:

Ciidammo Ka Mid Noqonaya Xoogga Dalka Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xerayo Gobolka Baay
Published on November 3, 2012 by Jayte 

Ciidan itoobiya Somalia

Inkabadan Kun Askari oo ka mid noqon doona Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar loogusoo xiri doonaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Ciidammadan oo tiradooda rasmiga ah ay gaareyso 16,00 (Kun iyo Lix Boqol) Askari ayaa munaasabadda tababarka loogu soo xeri doono waxey ka dhaceysaa xeradii lagu tababaray oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayadoo munaasabadaasina ay ka qeybgali doonaan Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda iyo Saraakiil ka kala socota Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidammadan maanta tababarka loosoo xerayo ayaa waxa aay xeradaasi ku tababaranayeen mudo Todobo bilood ah waxaana lagasoo kala uruuriyey deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Baay wixii ka dambeeyey markii qeybo ka mid ah gobolkaasi laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Maalinnimadii shalay aheyd ayaa Ciidammadan waxaa loo qeeybiyey dareeska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhameystiran iyo hubkooda ayada oo ay si rasmi ah markii tababarka loogusoo xero uga mid noqon doonaan Ciidammada Xoogga Dalka ee ka howlgalaya gobollada Dalkeenna.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dib u dhis guud oo lagu wado Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey isasoo tarayey Ciidammada loosoo xerayo tababarrada Ciidannimo waloow Ciidammadan maanta tababarka loosoo xerayo ay Ciidammadii hore kaga duwan yihiin iney tababarka ku qaateen Dhulkooda hooyo.

WAA TAN IDAACADA MUQDISHO OO WARKAA QOREYSA

 

{Danwaanews.com}Ciidan Soomali Ah oo Tababar Loogu Soo Dhameeyay Ethiopia oo Ku Soowajahan Soomaalia
November 4, 2012

Waxaa magalaada Dowlo Adow ee Dowlad Degaanka Soomaliada Ethiopia loogu soo gaba gabeyay tababar ciidan boqolaal askar soomalia ah kuwaas oo in mudaha lagu baryay habka loo dagaalo iyo qaab ciidameedka oo ay kamidtahay anshaxa iyo xuquuqda uu leeyahay qofka lagu qabto dagaalka.

Ciidanka tababarka loo soo afmeeray ayaa lagu wadaa in lagu soo daabulo furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciimada huwanta ah iyo xogoaga xarkada Al-shabaab kuwaas oo qaybo badan oo kamid ah wadanka soomaaliya ku hardamaya.

Ciidamadan oo ah dufcadii 5 aad ee kasoo baxday xerayaha tababarka ee Dalka Ethopia ayaa lagu wadaa in ay qayb xoogle ka qataaan gulfka iyo lagatanka lagu la jiro ciidamada xarkada Al-shabaab mujahidiin ee dagaalka ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa dowlada kawada gudaha wadanka Soomaliya.

Dowlada Ethiopia ayaa dhowr jeer u tababar u samaysay ciidamo soomali ah kuwaas oo anan wax buuran kaqabanin amaanka  mana cado in ay kuwan iyo kuwii hore wax ku kala badalan yihiin.

Dowaladaha Kenya, Ethiopia, Uganda ayaa ciidamo farabadan u tababaray dowalada Soomaliya hasa yeeshee waxaa la sheegaa markii ciidamada la keeno wadanka soomaliya ay bilaabaan in ay ku kacaan falal anax xuma ah kuwaas oo u gaysta dadka shacabka ah sida iyag aoo ku kaca  dil,dhac iyo waliba kufsi.

Isha Warkan: danwaanews.com

Muqdisho

----------------

 

 

Additional information