Mas’uuliyiinta Waqtigan iyo Hantida Shacabka

caloow2

Mas’uuliyiinta waqtiyadan danbe ee Soomaalida ayaa ah kuwo howshii loo dhiibtay aan u gudan sidii loogu talagalay inay ahaato. Waxaad inta badan maqalnaa iyadoo la leeyahay lacagtii waxqabadka noocaas ah loogu talagalay ayaa la cunay oo yaa cunay? Qofkii loo dhiibay. Qof kasta oo meel mas’uul looga dhigana waxa ugu weyn ee uu ka fakarayo ma ahan dadka mas’uuliyada u dhiibtay, laakiin waa sidee wax loo leexsadaa iyo habkee lagu leexsadaa. Waxyaabaha inta badan aad maqleeso ee laga naxo ayaa ah:

 

 1.Mashruucii ceelasha biyaha loogu qodi lahaa lacagteeda waxaa qaatay hebel iyo hebel,

2.Lacagtii loogu talagalay nadaafada magaalada waa la leexsaday, oo waxaa leexsaday shaqsiyaad dawlada hoose u shaqeeya,

3.Mashruucii eerboodka diyaaradaha lagu dhisi lahaa ee dawlad fulaan bixisay oo aheed $15,000,000, waxaa lagu shubtay akoon saddex iyo toban milyan iyo shanboqol oo kun $13,500,000, laakiin waxaa la hayaa $1,500,000 malyan iyo shan boqol oo kun oo dollar, iyadana in la leexsado ayay sugeesaa,

4.Lacagtii loogu talagalay ciidanka qaranka oo aheed muddo lix billood ah ayaa la cunay; oo waxaa cunay shaqsiyaad kala duwan. Ciidankana mushaarka aan qaadan ayaa waxaa la maqlaa iyagoo gadooday, markaasaa ayaa hal bil loo dhiibaa,

5.Waxaad maqleesaa lacagtii loogu tala galay agoonta ee laga soo qaaday carabta waxaa leexsaday shaqsiyaad magac diin huwan,

6.Raashinkii qaxootiga gaajeesnaa loo waday ee ahaa labaatanka gaari, tobon gaari oo kamid ah ayaa loo leexiyay suuqa raashinka lagu gado, waxaa leexsaday kuwa u shaqeeya hay’adaha iyo ganacsato iyo siyaasiyiin beeleed,

7.Daawadii ay soo dhiibtay wadan hebel ee loogu talagalay kaneecada, kuwa nafaqada, falembayaashii iyo dhamaan kaniiniyaashii kale ayaa waxey ku danbeeyeen gacmaha farsmashiyayaal ganacsi, waxaana iibsaday dhaqaatiirtii iyo kuwii kale ee caafimaadka ka shaqeenayay,

8.Lacagtii horumarinta wax barashada loogu talagalay kuraastii, miisaskii, kombuyuutaradii, buugaagtii iyo qalimadii, waxaa toos loogu cadeestay suuqa, oo yaa cadeestay qoladii waxbarshada shaqada ku laheed,

9.Lacagtii loogu talagalay horumarinta isboortiga meeday, waa la qaatay oo yaa qaatay kuwii FIFA wakiil Soomaaliya uga ahaa,

 

 Sheekada noocan ah waa mid aan la soo koobi karin oo waxay noqotay qeeb ka mid ah nolol maalmeedka dad badan oo ka mid ah Soomaalida meel kasta ha joogeenee. Soomaaliya ayaa waxey gashay sannadihii ugu danbeeyay lanbarka ugu hooseeya ee caalamaka ee dhinaca musuq maasuqa. Waxayna Soomaaliya noqotay meesha caalamka kale oo dhan loogu soo qaato tusaalayaasha xunxun iyo duulka masiibada ay ku dhacday.

 

Gabagabadii, musuqmaasuqaas baahsan ee kor aan ku sheegay, waa kuwo joogta ah oo ummada Soomaaliyeed daashaday; mana noqoneeso mid wadanka Soomaaliya xaaladiisa sida ay tahay looga saari karo iyo dhibaatada haysata dadkaba hadii aana la iska dayn ama la joojin. Mas’uuliyiinta ummada mas’uuliyada u qaaday ee ku dhaaratay illaahay waa kuwo ay haboon tahay iney u gutaan mas’uulayadooda si dadka maslaxadiisa ay ku jirto oo illaahay iyo ummadiisana ay raali kaga noqon karaan, laakiin xatooyo iyo isdaba marin illaahay iyo ummadiisa raali ka noqon mayaan kuwa waxaas sameenaya waxey noqonayaan kuwo ku gubta.

 

Allsanaag.com

 

Additional information