XAFLAD QALINJEBIN 35 ARDAY IYO XIL WAREEJIN

koow

 Xaflad si heer caalami ah loo soo agaasimeym, oo ay soo qaban Qaabiyeen Ardayda Maakhir iyo Jaaliyada Maakhir ee Magaalada Kampala ee wadanka Uganda, ayaa habeenimadii Sabtida ahayd ka dhacday hotelka weyn ee Equatoria International Hotel ee badhtamaha Kampala, xafladan ayaa ujeedkeedu ahaa Xil wareejin  Ururka Sanaag Somali Students Association iyo weliba Maamuusida 35 arday oo ka qalinjebisay jaamacadaha kala gedisan ee Uganda.

ugamm2


Xafladan oo ay ka soo shaqeeyeen gudi qaban qaabo oo katirsan ururka SanaagSomali Students Association, ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaybaha kalagedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala, sida Aradayda iyo gudoomiyayaasha urarada ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Kampala, Cuqaal, Ganacsato, waalidiin, ururada bulshada rayidka ah, xubnoka kala socday Jaaliyadaha Maakhir ee Itoobiya, Suudan, Kenya iyoculimaa'udiin.

ugaa5

Xaflada oo si habsami leh kubilaabatay ayaa kooxda qaban qaabada xafladu ay faah faahiyeen ajandaha xaflada kaasi oo ahaa in ururka ardayda Maakhir ee xilkiisi u dhamaaday uu ugu talo galay xafladan xil wareejin, iyo weliba in lagu maamuuso 35 arday oo ka qalinjebisay kuliyadaha kala gedisan ee HeerkaTacliinta Degree Level iyo Master Level oo ardaydu ay isugu jireen.

 

Khudbado iyo hadalo kala gedisan oo isugu jiray dhiirgelin, tahniyad,
hanbalyo iyo dardaaran ayay soo jeediyeen dadki ka hadlay goobta iyadoo uushirka furay Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Uganda Mudane Maxamed Aadan Isse Jagac, isagoo u hanbalyeey lana dardaarmay ardayda qalinjebisay, waxaa goobta ka hadlay, gudoomiyayaasha, ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada kalaah Cavandish University iyo St Lowrence waxaa goobta hadalo koob koobankasoo jeediyey Saleebaan Cismaan Saalax,oo kuhadlay Jaaliyada MaakhirNairobi iyo Maxamuud Yooke oo kuhadlayey Jaaliyada Eithopia Maakhir.

Mama Qaali ayaa sidoo kale ku hadashay magaca Haweenka, Qaali oo kamid ah xubnaha ugu fir fircoon ee Jaaliyada Maakhir, ,waxaa sidoo kale kelmedo waxku ool ah kasoo jeediyey gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Uganda MudaneC/rashiid Maxamud Xuseen "Shabeel", C/raxmaan Xassan Yussuf ayaa ku hadlaymagaca ardayda qalinjebisay, sidoo kale waxaa khudba wax ku ool ah kasoo
jeediyey goobta  gudoomiyayaasha Ardayda Jaamacada ee Puntland, Khatumo  iyo Juba and South Central of Somalia.

Gudoomiyaha Xilka wareejiyey ee Ururka Sanaag Somali Students Association mudane Abdirisaaq Axmed Siciid, ayaa khudbad dheerkasoo jeediyey goobta isagoo ka sheekeeyeey ujeedooyinkii ururka loo aasaasay iyo waxqabka mudada sanadka ah ee uu xilka soo hayey, sidoo kale gudoomiyaha cusub ee xilka madaxtinimo la wareegey Mudane Axmed Maxamud Jama, ayaa hadalo kooban kaso jeediyey goobta oo ku saabsanaa sii laba jibaarida iyo dar dargelinta hawlaha ururka.

Ururka ardayda Maakhir ee Ugand a ayaa waxaa la aas-aasay mudo haatan lagajoogo afarsanadood iyadoo ururku intii uujiray uu wax weyn ka qabtay xaaladaha ardayda Maakhir ee Kampala, midnimada, iyo taageerida ardayda wax kabarata Uganda.

Xaflada  oo ay kasoo qeygaleen dad kor u dhaafaya dhowr boqol oo qof ayaa kusoo geba gebowday jawigii iyo habkii loogu talo galay iyadoo 35kii arday ee qalinjebisay la gudoonsiiyey hadiyado kala gedisa, sidoo kale waxaa hadiyado iyo shahaado sharaf lagu doonsiiyey qaybta fulinta iyo qaybta board-ka  ururka ee uu wakhtigoodu dhamaaday, xafladan ayaa ku dhamaatay habsamidii loogu talo galay iyadoo idil ahaan bulshoweyntii Soomaaliyeed ee
kasoo qeybgashay isugu hanbalyeeyeen

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information