Puntland dagaal uma baahna

Xaaji Maxmed Yaasiin:Puntland Dagaal uma Baahana Ee Nabadda Ha la Adkeysto

alhaji

Siyaasiga soomaaliyeed ee Xaaji Maxmed Yaasiin Ismaaciil oo marar kaladuwan ka qayb-galay doorashada madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa uu shirjara'id ku qabtay magalada nairobi.

Shirkiisan jara'id ayaa xaaji Maxmed waxaaa uu kaga hadlay arimo badan oola xiriira xaalada soomaliya,xaalada Puntland iyo sidoo kale habkii ay udhacday doorashadii madaxweyne ee dalka soomaliya oo qayb-galay xaajimaxmed yaasiin laftiisa.

Ugu horeyna waxaa uu hambaliyo u diray Madaxweynaha soomaliya ee kuguuleystay xilkaasi Xasan Sheekh maxmuud,waxaana uu sheegay in madaxweyanahuu ka mid ahaa xisbi ay kaga dhawaaqe nmagalada Muqdisho,isla markaasina uuwax badan ka yaqaano madaxweyanaha.

Xaaji Maxmed Yaasin aya kaga digay dawladani cusub in ay noqoto sidii labadii dawladood ee ka horeyay ka dib markii ay dagaal ku dhameysteen xiligooda,waxaana ugu baaqay in ay sameyso hab wada hadal oo ay la gasho xarakada Al-shabab ee mucaaradka hubeysan ah.

Siyaasi Xaaji Maxmed ayaa sidoo kale,waxaa uu soo hadal qaaday arimaha10-ka wasiir ee dawlada Soomaliya haatan magacowday,waxaana uu si caro lehu diiday in xiligan loo baahnaa 10-wasiir oo sheegay in xaalada Soomaliyawax badan aysan ka qaban karin.

"Hadii aan ka hadlo tirada wasiirada maahan mid kaafiyi karta xiligan
xaalada ka jirta dalka, Somaliya maaha dal muddo soo dhisnaa,burbur ayaalaga baxay, waxaana loo baahna in la badiyo wasiirada sifo ay waxs badan uqabtaan"ayuu hadalkiisa ku yiri Xaaji Maxmed Yaasiin.

Mar uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeya madaxda soomaliya ayaa waxaa uusheegay mudane Yaasiin in ay la kulmeen madaxweyanha Soomaliya markii ladoortay ka dibna uu ku wargaliyay in uu la tashi la sameyn doono,waxaasemeesha uu ka saaray in dib danbe fariin dhinaca madaxweynaha ah ugu soo noqotay,isagoona sheegay in ra'isal-wasaaraha Soomaliya Cabdi faarax uu latashiyo la sameyay shaqsi ahaantiisa,balse uusan jirin xirii intaas ka dheer oo dhex maray madaxdan.

xaaji2

intii uu socday shirkani jara'id ayaanu weydiinay Xaaji Maxmed sababaha keenaya in musharaxiinta markii la dooran waayo ay dalka uga so baxaan oo dib danbe aysan ugu noqon,inta la gaadhaayo doorasho labaad oo madaxnimadasoomaliya ah.

Waxaana uu ka hadlay shaqsi ahaantiisa sida uu arko arintan oo sheegay inay tahay mid ku badan siyaasiyiinta soomalida,waxaana uu difaacay shaqsiahaantiisa uu sheegay in muddo 90-casho ah uu ku sugnaa muqdisho,taasi oo la oran karo waxaa uu kaga badnaa musharixiintii kale ee Xamar timid wakhtigii doorashada.

Dhinaca kalena waxaa uu siyaasi Xaaji Maxmed Yaasiin ka hadlay arimaha kasoo cusboonaaday Puntland ee la xiriira doorashada Madaxnimada Puntland,waxaana marka ugu horeysa uu ka sheekeyay nidaamkii ay puntland soo martay iyo dadka Puntland in aysan mar labaad diyaar u ahayn dagaalhubeysan oo dhulkooda ka dhaca.

"Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho,colaad sokeeye waxaa noogu filan tii ugu danbeysay ee Puntland ka dhacday,aniga waxaan ka mid ahaa Mucaaradka xiligaas, waana aragnay labadeena dhinacba dhibaatada ka timid dagaalkaas  marka waan ka degeynaa colaad danbe"ayuu hadalkiisa ku yiriMudane Xaaji Maxmed Yaasiin.

Dhibaatoyinka ka yimida kursiga madaxnimada ayaa ku badan qaarada Africa mana aha wax hada ka bilaabanaya Puntland, Xaaji Maxmed ayaa qeexay in marwalba dadka Puntland loo daneeyo,kuwaasi oo ku caano maalay nabad iyonasiino,waxaana uu sheegay in kooxaha ku kacsan dawlada hada jirto wadahadal la galaan madaxda dawlada Puntland.

Ugu danbeytiina Xaaji Maxmed Yaasiin aya ku taliyay in madax walba oo soomaaliyeed uu ugu baaqayo in ay labada gacnood ku qaataan Calanka iyo Kitaabka Ale,taasi oo looga gudbi karo carqaladaha hortagan dawladaha lasoo dhiso waxaana uu sheegay in hadii kitaabka Ale wadanka lagu maamulo waxwalba hagaagi doonaan isla markaasina umadda soomaliyed isku dumi doonto.

*Mohamed Abdirashiid*
Xafiiska Warfaafinta JPP

Additional information