Aamina iyo SNM oo casumay Culusoow

Beesha Isaaq ayaa si gaar ah u casuntay Xasan Culusoow, isaga oo looga mahad celiyey sidii fiicnayd oo u qaabilay gacan ku dhiigle Siilaanyo.

jeeble

Aamina iyo Fawsiya oo fadhiya Casumaadii Madaxweyne Culusoow loo sameeyey

Aamina Xirsi Mooge oo ah Xaajiyad ka ganacsata Qaarada Afrika gaar ahaan Ugaandha , iyada oo u ololaysa   maamulka SNM, ayaa  Casho  u samaysay wafti   uu hogaminayay  Madaxweynaha Somalia  Xasan Culusoow, oo soo gaaadhay dhowaan  dalka Uganda, wakhti ay ka soo kicitimeen dalka Kenya.

Cashadan Mdaxweynaha Soomaaliya loo sameeyey ayaa lagu qabtay Guriga Aamino Xirsi Mooge, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda maamulka Isaaqland iyo ganacsatada Beeshaas oo ay hogaaminayso Xaajiyada gurigeeda lagu qabtay casumaada.

Casumaadan   ayaa waxay   ahayd mid  mahad celin ah, loogu mahad celinayo Madaxweyne  Soomaaliya  Xasan Culusoow sidii diiranayd oo u ugu qabilay Horjoogaha beesha Isaaq Siilaanyo dalka Jabuuti oo ay dhowaan isku arkeen.
 
Munasabadan oo ujeededu ahayd isbarash iyo mahad celin  ayaa dhanka Madaxweynaha Somalia waxa wehelinayey Wasirka Arrimaha Dibada  Foosiya Xaaji, Wasiirka Gashandhiga ahna madaxweyne ku xigeenka Fiqi, wasiirka madaxtooyada Faarax Mooryaan Diimeed   iyo wufuud kale. Dhanka kalena waxa madasha fadhiyey shacab tiro badan, oo u badnaa dad ka soo jeeda maamulka Isaaqland.

Waftiga Madaxweynaha xilligii uu ku sugnaa dalka Kenya waxa ku weheliyey safarkiisa wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi, oo ka soo jeeda degaanada Jubooyinka, hase ahaatee waxa looga tegay dalka Kenya oo waxa is wada raacay intii horay u tagatay dalka Jabuuti.

Gebagebadii sida ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen Allsanaag, waxa ka socda magaalada London ee dalka Ingiriiska abaabul ay wadaan Bulshada ka soo jeeda Hargaysa iyo Burco, oo ku saabasan in ay halkaa si wada jir ah ugu soo dhoweeyaan Madaxweyne Culusoow iyo Gacan ku dhiigle Siilaano oo la sheegay in ay imanayaan dalka Ingiriiska  Bisha u horaysa ee sanadka Cusub.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information