Dhuxushii Kismaayo Dekeda Boosaaso ayaa bedeshay
- Details
- Written by khalid
Guryaha Muqdisho oo aad sheeganaysaan ha inoo danbeeyeen, maanta Dekeda Boosaaso lacagta ka soo baxda ayaan u baahanahay.
Hadaad sugaysay Gurigaad Muqdisho ku lahayd inaad dib u hesho , Maanta waxa loo soo socdaa waa shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaaso.
Ururka HAG (Hawiye Action Group), oo qaar badan oo ka mid ah xubnaha ururkaas ay maanta hogaaminayaan dawlada Xasan Culusoow ayaa waxay leeyihiin halhays u qarsoodi ah oo ah Af Talyaaniga , waana " La mala erba non muore mai.Teedyada anaa leh Taadana kula lehi. Macnaha ka danbaeeya Xikmadan, ayaa waxay tahay in Reer Puntland Dekeda Boosaaso waxa ka soo baxa ay iyagu gooni u leeyihiin, hase ahaatee Madaxdooda ku jirta Dawlada Soomaaliya Mushahaarka ay qaataan laga siiyo lacagta ka soo baxda Dekeda Muqdisho.



Madaxweynaha Culusow iyo Odayga hadlaya " Fiiri Qoraalada isku midka ah oo ku qoran meesha ay taagan yihiin. Nabbad iyo Cadaalad waa mid loola jeedo Ururka HAG.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo inta badan qaata fikrka Ururka uu ka ka midka ahaan jiray ee HAG, ayaa sheegay in Dekededa Boosaaso ay tahay Hanti Qaran sidaas awgeed wixii ka soo baxa ay ka dhaxeeyaan Dhamaan Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Culusow,oo maanta raadinaya Shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaaso, waa madaxweynaha Wasaaradii waxbarshada, wasaaradii hidaha iyo tacliinta Sare, Wasaaradii Caafimaadka, wasaaradii dhalinyarada iyo Cayaaraha ka dhigay hal wasaarad oo hal wasiir leh. Laakiinse wuxuuna Soomaali u sheegin in Agaasimyaasha guud ee wasaaradaha , agaasimaayasha Waaxaha wasaaradaha , Isku duwayaasha wasaaradaha wasaaradaha, oo dhamaantood u dhigmaan xilalka ay hayaan wasiiro ay yihiin rag ka soo jeeda Beeshiisa.
Tusaale hadaan u soo qaadano, wasaarada Hawlaha Guud waxa ka mid ah Agaasimayaasheeda Agaasimaha guud ee wasaradda gaadiidka cirka dhulka badda iyo dekedaha Maxamed Cismaan Cali “dhagaxtuur”.
Madaxweynaha Soomaliya, marna kama hadlin Kaalmada Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo aan soo dhaafin Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Madaxweynaha Soomaaliya marna kama hadlin Ciidamada lagu sheego Ciidanka qaran in dhamaantood ay yihiin Beeshiisa, waana ciidanka Turkigu hubaynayaan oo tababarayaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusow, sadexdii Bilood oo hore oo xilka hayey, waxa uu waqti badan siiyey sida loo qaybsan lahaa Dhuxusha Kismaayo taala lacagta ka soo baxda, markii la gado si beeshiisu ay saami uga heli lahayd, maanta isaga oo hilmaamay Federaalkii, Guryihii Muqdisho lagu haystay,ayaa waxa uu doonayaa in saami uu ka helo lacagta yar oo ka soo baxda Dekeda Boosaaso oo ay fiirsanayaan dadkii laga soo barakiciyey 1991 Guryahoodii iyo hantidii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Gebagebadii waa wax laga xumaado madaxwynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo aan ka hadlin Askarii Soomaaliyeed oo argagixisadu ku dishay degaanada Puntland , dagaalkii shalay ka dhacay Buurta Calmadow,weerarkii jabhada SNM ku soo qaaday Bulshada midnimada jecel ee Sool iyo Sanaag in uu maanta soo hunguriyeeyo shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaso
Allsanaag.com This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

