Qaswadihii Puntland oo digniin loo diray
- Details
- Written by khalid
Gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari ayaa Maanta Digniin Udirey C/laahi Siciid Samantar oo loo arko in uu wado Falal ka dhan ah Amniga Guud ee Puntland.

Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
Gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari.
Bef:GNGB/07/2012.
Ku: Taliyaha Qeynta Booliiska Gobolka Bari Bosaaso.
Ku:Cabdullaahi Saciid Samantar -Bosaaso.
Og:Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Bosaaso.
Og:Wasaarada Amniga & DDR Bosaaso.
Ujeedo: Adkaynta Nabadgelyada Guud ee Gobolka.
Si Loo Adkeeyo Nidaamka iyo Kala Dammbaynta Guud ,Waxa Gudiga Nabadgelyada Gobolku Go’aamiyey in la hirgeliyo Fulinta Qodobada soo Socda:
1-Inaan Wax hub ah oo Gaadiid Saaran Ama ku xiran (Tikniko) aan lagu dhex wadan Karin Magaalada Bosaaso iyo Guud ahaan Gobolka Bari.
2-Inaan Hoteelada iyo Meelaha kale ee la isugu Yimaado aan lagu qaban karin Wax shir ah oo iyadoo aan ogolaansho laga haysan Gudiga Nabad Gelyada ee Gobolka Bari.
3-G.C/laahi Siciid Samantar Waxaa loo ogolyahay in uu wato Ilaalo Kooban oo aan wadan Tikniko iyo Hub Culculus Midna.
Mahadsanid.
Saxiixayaasha Gudiga Nabadgelyada ee Gobolka Bari.
1-C/samad Maxamed Galan -Gudoomiyaha Gobolka Bari.
2-Yuusuf Muumin Bidde-Gu.Xigeenka Gobolka Bari.
3-Khadar Ismaaciil Cabdalle-Ku X.2-aad ee Gobolka Bari.
4-G/lle Sare Cusmaan Xassan Cali -Taliyaha qeybta G.Bari.
5-Xassan Cabdalle Xassan -Duqa Degmada Bosaaso.


