Ciidanka Puntland oo jebiyey Alshabaab
- Details
- Written by khalid
Ciidamada Kumaandooska Puntland ayaa weerar ku qaaday Alshabaabka Buurta Calmadow ku dhuumaalaysanaya.
Ciidamada Kumaadooska Puntland (Puntland commandos) ayaa weerar ku qaaday Saldhig Argagixisada Alshaanaab ee Somaliland maalgeliso ku lahayeen Buuraha Cal madow.

Weerarkan oo ahaa mid ay hogaaminayeen saraakiil khibrad ciidamo leh ayaa lagu qabsaday saldhig weyn oo ay Buurta ka lahaayeen xulafada Alshabaab oo gacan saarka la leh Maamulka SNM oo dhowaan looga adkaaday gobolka Sanaag iyo Hayland.


Weerarkan habeenimada lagu qaaday Alshabaab ayaa waxa uu dhacay saacadihii hore ee maalintii Jimcaha DEC.7,2012, wuxuuna ka dhacay Buurta Cal Madow meesha loo yaqaan Ceel Dibir iyo Dudun, ku dhowaadna ka xigta magaalada Galgala dhinaca galbeed 45km.
Ciidanka Kumaandooska Puntland waxa ku weheliyey weerarkan Ciidanka Puntland Security Force (PSF) oo ah Guuto u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada ,waxayna gudaha u galeen Buurta iyaga oo weerar ku qaaday saldhig ay lahaayeen Xulafada Alshabaab iyo SNM, oo ay ku dawayn jireen dadka kaga dhaawacma dagaalada dhuumaalaysiga ah oo ay ka wadaan gudaha Puntland.
Kooxdii Alshabaab oo jabka loo gaystay, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar godadkii buurta ku dhuumaalaysanaya oo lagu dabo joogo inta laga sifaynayo Buurta Cal madow oo ay habowga ku yimaadeen
Allsanaag,com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

