Maamulka Xisbiga Horcad oo ka hadlay Ujeedka Loo Aas-Aasay

Maamulka Xisbiga Horcad oo ka hadlay Ujeedka Loo Aas-Aasay Xisbiga ,Eedayna Ujeediyey C/laahi Siciid Samantar(Dhegayso)

ho

Maamulka Xisbiga  Horumarka iyo Cadaalada ee Marka Magaciisa lasoo Gaabiyo Loo Yaqaan Horcad ayaa Shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Bosaaso.

Sii Hayaha Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Horcad) Mudane -Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa Maanta oo ay Taariikhdu Ku Tahay 08-12-2012 Shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Bosaaso.

-Gudoomiyaha Xisbiga Horcad  Mudane -Cumar Ismaaciil Waaberi Waxa uu ka Hadlay Labo Arimood oo Kala Ah :

Halkan ka Dhegayso Codka Gudoomiyaha Xisbiga Horcad Cumar Ismaaciil Waaberi.

1-Faahfaahin la Xariirta Ujeedka Aas-Aaska Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Hor-Cad).

2-Eedaymo Kasoo Yeeray C/laahi Siciid Samantar oo Dhowaan soo Gaaray Gudaha Magaalada Bosaaso.

1-Ujeedka Aas-Aaska Ururka Siyaasadeedka Horumarka iyo Cadaalada ee Horcad:

1-Ugu Horeyn Xisbiga  Horumarka iyo Cadaalada (Horcad)  Waa Xisbi Siyaasadeed  Kusoo Biiray Saaxada Siyaasada Puntland ,Ahna Urur Mucaarad Ah loona Aas-Aasay in uu Iftiimiyo Wixii Khaladaad ah ee ay Samaysayso Dowlada Puntland.

2-Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Horcad) Waa Xisbi Doonaya in uu Tartamo Hogaanka Dalka iyada oo uu la tartamayo Xisbiyada  Kale ,Xisbiyadaas oo uu ka Mid yahay Xisbiga Dowlada ee Horseed.

3-Xisbiga Horurmarka iyo Cadaalada ee (Horcad) Maahan Xisbi ay Dowladu Leedahay ,Cidii uu Baahan Xisbiga Dowladu ku Dhawaaqatay ee uu Madaxweynuhu Gudoomiyaha ka Yahay Waa Xisbiga Horseed,Sidaasi Darteed Yaan la Isku Khaldin.

4-Sidoo Kale Xisbiga Horcad Wuxuu Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Faroole inay Samaysay Geesinimo in Wadanka laga saaro qaabkii wax ku qeybsiga Qabiilka ,Loona Saaro Hab Doorasho Xisbiyo Badan.

5-Xisbiga Horcad Wuxu ku shaqayn Doonaa Wixii Horumar Ah oo dalka iyo dadka Anfacaya .

6-Xisbiga Horcad Wuxuu Aaminsanaan in uu la dagaalamo Cadaalad Darida Sida Magaciisa ku Jirta.

7-Xisbiga Horcad Wuxuu Horumar ku Samayn Doonaa Waxbarashada ,Caafimaadka.

8-Xisbiga Horcad Wuxuu Cirib tiri Doonaa Musuqmaasuqa oo aad iyo aad u dhibaatayey Qaarada Afrika.

9-Xisbiga Horcad Wuxuu Xafiisyo Badan ka furan doonaa Gobolada Degaanada Puntland oo Dhan.

10-Xisbiga Horcad Wuxuu Sameyn Doonaa Barnaamij Rasmi ah oo qoraal ah oo uu Gaarsiin Doono Dadka Xisbiga Taageeri Doona Waqtiyada Kooban ee Soo Socda.

11-Xisbiga Horcad Maahan Mid ka qeyn qaadan Doona Burburinta Dalka ee Waa Xisbi Aaminsan Wixii wanaag ah in uu kala Shaqeeyo Cid Kasta oo Markaasi Xukunka Haysa ,sheegona Dhaliisha Xisbiga Markaasi Talada Haya.

2-Eedaymo  iyo Aflagaado Kasoo Yeertay G.C/laahi Siciid Samantar oo Bosaaso soo gaaray 06-12-2012:

-C/laahi Siciid Samantar Sadex qodob ayuu Xisbiga  Kusoo Hadal qaaday markii uu Xisbiyada ka hadlayay :

1-Mar Wuxuu Isticmaalay ma Aqoonsani Xisbiyada Puntland .

2-Marka Labaadna Wuxuu Isticmaalay Kelmad Ah Waa Xisbiyo Magac u Yaal Ah.

3-Marka Sadexaadna Wuxuu Isticmaalay Kelmad ah Waa Xisbiyo Dowladu Leedahay oo Gacan ku rimis Ah.

-Ugu Horeyn Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada Horcad Mudane-Cumar Ismaaciil Waaberi Wuxuu  Sheegay inaanu Garanaynin  Aqoonsiga ay C/laahi Siciid Samantar Uga Baahan Yihiin ,Sidoo kale aanayn Garanaynin Hay’adda C/laahi Siciid Samantar uu ka Tirsan yahay ee ay Aqoonsiga uga Baahan Yihiin.

-Wasiirka Amniga Puntland Xiligii uu ahaa C/laahi Siciid Samantar Waxa Puntland ka dhacay Falal Amni Dari oo aad u tira Badan,Falalka amni ee uu la tacaali waayey markii uu wasiirka ahaa Magaranayo sida uu ula tacaalayo hadii Madaxweyne Noqdo C/laahi Siciid Samantar Ayuu yiri Mudane .Cumar Ismaaciil Waaberi.

-Bosaaso oo aanu hada joogno Waxa ka jiray Xiliga C/laahi Wasiirka Ahaa Wax la Yiraahdo Khadka Cagaaran oo la wada Ogyahay.

-Waxaa jiray falal iyana dhacay oo Guryo lagu dumiyey Xiligii Wasiirka ahaa C/laahi Siciid Samantar.

Isku soo wada duubo Gudoomiye Cumar Ismaaciil Waaberi Wuxuu Bulshada ugu Baaqay inay qofka ku doortaan Qofkani ama Xisbigani ama Siyaasigani Muxuu Dalka iyo dadka usoo qabtay Muxuuse Mustaqbalka u qaban Doonaa.

http://raadreeb.com/wp-content/uploads/2012/12/Gen-Cabdullaahi.mp3

Additional information