Buurta Cal Madow Waa Buurtaydii Barkaysnayd

Buuraha Cal Madow ma  Xagjirka Alshabaab baa ka talin doona, mise Qabiilaystaha Ina Saciid Samatar , mise Miskiinka Qalinka ku dawarsanaya ayaa caalamku  rumaysan doonaan Mise  Dawlada Puntland iyo ciidankeeda ayaa la garab istagi doonaa.

alsh

Maalmahan danbe hadal haynta ugu badan oo saxaafada Soomaalidu  qorayso waa Alshabaabka waqooyiga Soomaaliya oo maamulka Hargaysa maal geliyo qaraxyo ay ka gaysteen dhulka barakaysan ee Buuraha Cal madow.

Afhayeenka kooxda Alshabaab Cali Dheere oo degaan ahaan ka soo jeeda magaalada  Ceel Buur ee Gobolka Galguduud waxa uu sheegay in ay weerarka ay ku dileen Ciidamada Puntland " ay ka soo qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin  Sugure".

Qabiilayste  Wasiirkii hore ee  amnigaa Puntland Cabdulahi Saciid Samatar oo aamninsan in Puntland loo dhisay in Beeshiisu hogaamiso ,isaga oo ka mid ahaa Madaxdii horay u  abuurtay amni xumada ka jirta Puntland maanta iyo Alshabaabka jooga gudaha Puntland , ka dib markii hubkii iyo awoodii ciidamada Puntland uu u isticmaalay ,  hab argagixisnimo ah iyo argoosi ku salaysan aano qabiil, Xilligii uu ahaa wasiirka amniga Puntland, ayaa hada waxa uu u oloeenayaa in dagaal sokeeye ka dhacdo Puntland taasina waxay keeni doontaa in Alshabaab ka faa'iidaystaan fawdadan iyo in  Asxaabtiisa SNMta Ceel Afweyn   qabsadaan qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Mid ka mid ah Asxaabta Cabdulaahi Saciid Samatar oo ka mid ah ganacsatada Puntland laguna magcaabo Abdullahi Ali Barre,  ayaa  isaga oo la hadlaya Idaacada Codka Maraykanka waxa uu sheegay    “Galgala is more or less like Afghanistan. It's like Tora Bora. It's very difficult to enter. And I don't think they have the equipment or aircraft for the government of Puntland to get into Galgala, so what is actually required right now is to get assistance from the international community.” "Galgala waxay la mid tahay Afgaanistaan. Waa sidii Tora Bora. Aad bay u adag tahay in la galo, uma malaynayo in ay haystaan  qalab  iyo diyaarado ay ku galaan Ciidamada Puntland Galgala, sidaas awgeed waxa hada loo baahan yahay waa kaalmo laga helo Bulshada caalamka". sidaa waxa yiri Mid ka mid ah Mucaaradka Puntland

Su'aasha Bulshada Reer Maakhir u baahan in is waydiiyaan ayaa waxay tahay  " Diyaaradaha Reer galbeedka oo la doonayo in Buurta Cal madow iyo Galgala lagu duqeeyo  ma kala garan doonaan argagixisada Alshabaab oo  Buurta u gashay in wax qarxiyaan ama dilaan iyo Wiilka Warsangeli oo ku sugan  degaankii awoowayaashiis ka soo farcameen  oo ku dhaqanaya xoolaha ama beeranaya dalagyada  beeraha iyo Xijiga .

Cabdulaahi Cali Bare iyo kuwa la midka ah, dan kama laha Bulshada ku dhaqan Buuraha Calmadow hadii Diyaarado lagu duqayn lahaa iyo hadii Argagixisada Alshabaab hoy ka dhigan lahayd  buurta. Laakiinse waxay u taalaa difaaca BUURTA CALMADOW, Dadka ka soo jeeda degaanada Maakhir sidii ay ugu istaagi lahaayeen in dhulkooda ka badbaadiyaan Xulafada  Argagixisada ah  oo is bahaystay Alshaaba+SNM iyo qabiilaystayaasha Puntland oo aaminsan in Puntland tahay meel dad gaar ah leeyihiin,hase ahaatee aan awood u lahayn in Guryaha Gaalkacayo madaafiicda lala dhacayo ay difaacaan ama ka hadlaan.

Gebagebadii Ciidamada Puntland iyo Dawlada Puntland ,waxay qabteen howl aad u culus, una baahan in  loogu hanbalyeeyo difaaca iyo iska caabinta Xulafaysiga Alshaaba iyo SNM ku hayaan degaanada Maakhir ,sidaas awgeed Bulshada Maakhir waxa laga  sugayaa in cod dheer ku taageeraan Ciidamada degaanka iyo kuwa Puntlandba si Badhan iyo Dhahar looga badbaadiyo in ay ka baxdo gacanta Maakhir una gacan gasho SNM iyo Alshabaab.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information