Qarax khasaara dhaliyay oo ka dhacay Caawa Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Xildhibaan Yuusuf Xassan oo Qarax lala eegtay Dhaawac Sahlana soo gaaray.

qarax

Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay banaanka Masaajidka Al-Hidaaya ee Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Soomaalidu dagan tahay ee Islii

Waxaa ku dhintay Qaraxaan,  dhowr Qof,  dhaawacana waxa la sheegayaa  in uu gaarayo ilaa 30 Qof. Xilliga Qaraxu dhacayey waa xilliga Salaadda Cishe laga soo baxay, Salaaddii Makhrib iyo Cishii inta u dhaxaysay waxaa shacabka la hadlayey Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Soomaalida ka codsaday in ay doortaan oo Codkooda siiyaan, waxaana naloo xaqiijiyey in uu ka jabay Lug halka Lugta kale ay tahay dhaawac.
Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijinaya Qaraxaan in uu ahaa, mid lagu soo tuuray Xildhibaanka. Ammaanka wadanka Kenya ayaa faraha ka baxay waxaana xilligaan Wadanka Kenya hareeyey Doorasgooyinka.

Additional information