Nabadda Puntland waa Muqadis

Maqaal Allsanaag  qortay, labo Sano ka hor oo nabadda ka hadlayey ayaa mar labaad idiin ku soo celinay.

sanaag

Laga soo bilaabo bur burkii dawladii Soomaaliya sanadkii 1991 ilaa maanta 2010 ,Bulshada ku nool Puntland waxay gaareen horumar dhinac walba ah, haday noqon lahayd waxbarashada, caafimaadka, isgaarsiinta, ganacsiga iyo hantida gaarka loo leeyahay.

Gobolada Puntland ayaa ahaa kuwa aad uga hooseeya gobolada kale ee Soomaaliya xiliyadii dawladihii hore ee Soomaaliya.Laakiinse sanadihii danbe nabada ka jirta degaanada Puntland iyo isku duubnaanta Bulshadeeda ayaa waxay gaareen horumar la taaban karo oo ay qireen Soomaalida kuwooda xalaasha ah iyo Bulshada caalmaka.

Horaantii Sanadihii sideetamaadkii, siddeeda Gobol ee Puntland ka kooban tahay  waxa ku yaalay wax ka yar Shan dugsi oo sare ,maantana  50kii KM oo la socdaba degaanada puntland  waxa ku yaala dugsi sare oo arday wax ka baranayaan iyaga oo haysta Macalimiin tayo leh, Tuulo kasta oo caruur ku nool yihiina waxa maanta ku yaala dugsi Hoose dhexe sidoo kale gobolada Puntland ma lahayn Jaamacad ama Kuliyad maantana 150 KM oo la socdoba waxaad ka  helaysaa ama gaysan kartaa cunugaaga jaamacad ama kulliyad. Waxa intaa sii dheer nabada ka jirta degaanada Puntland ayaa waxay U  saamaxday  ama u suurta gelisay   in Dad badan oo ganacsato ah ay caruurtooda u diraan waxbarasho dibadeed oo ah waxbarasho sare,Qaar ka mid ah ardaddii dibada loo diray ,waxay dib ugu soo laabteen  degaanata Puntland iyaga oo halkaa ka bilaabay in ay Bulshadii ay ka tageen uga faa'iideeyan aqoonta ay soo barteen oo dhinacyada badan leh haday noqon lahay dhkhtarnimo, macalinimo, Kombuter ama Farsama gacmeed.

Nabada ka jirta Puntland ayaa sare u qaaday hantiilayaasha ama jeeblayaasha Per capita haysashada hantida  gaar haaneed,iyada oo sababaha ugu weyni ay tahay   dhiiranaanta maalgashiga lagu samaysanayo  Puntland oo ay sabab u tahay nabadu.

Gobolada Puntland guud ahaan Ma lahyn Cisbitaalo shaqeeya sidi kuwii xamar oo kale ee  Madiina iyo Dikfeer ,hase ahaatee maanta waxa ka  jira Cisbitaalo badan oo lagu daweeyo  Bukaan socodka qaba  cudarada kal duwan,  iyaga  oo daryeel iyo xanaanayn  siyaado ah ay maanta  heleen hooyada iyo dhalaanku oo horay u  ahaa dhibanayaasha ku noolaa degaanka xiliyadii Dawladihii hore. Maanta waxaad wadooyinka ku arkaysaaa Gawarida Gurmadka ah  oo dadka Buka  ula cararaya Cisbitaalada si loogu daweeyo.

Nabada ka jirta Puntland ayaa dhiiri gelisay in ganacsato badan ay maal gashadaan  degaanada Puntland  ama ka samaystaan  ganacsi ,kuwaas oo u abuuray shaqooyin  Kumaakun ka mid ahaa Dadkii danyarta ahaa o ku noolaa degaanda.

Ugu danbayntii horumarkan ka jira Tuulo iyo degmo kasta oo ka mid ah Puntland, waxa keenay nabada iyo isku duubnaantii Beelaha walaalaha ah, waxaana qayb weyn ka qaatay Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso oo hadii nabadeedu xumaato ay noqonayso mid saamaysa guud ahaan Soomaaliya iyo Puntlandba, sidaas awgeed waxa muhiim ah in qof walba oo caruurtiisu Dugsi ka  tagaan Puntland , mid ehelkiisa la jooga cisbitaal ku yaal gudaha puntland, mid sugaya doon Bagaash uga soo qaaday Dubai, mid Muruq maal ah iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ka kooban tahay, waa in ay u istaagaan nabdda  in si wada jir ah ay uga shaqeeyaan nabadan ay ku caano maaleen sanadahan danbe.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information