SNM oo afka soo duubtay baqdin awgeed

Alshabaaka Galgala, SNM ayaa ka  taageerta Gaadiidka, Hubka iyo sirdoonka.

punt

Tobanka Askari oo Reer Puntland oo lagu dilay Laag,waxay lahaayeen  Magacyo,Qoysas,qabiilo iyo Numberka ciidamada Puntland,laakiinse kuwa dilay oo afka u soo duubtay kuna dhuumalaysanaya Buurta Cal Madow   waa sumad laawayaal garab ka helaya maamulka SNM.

Alshabaabka Waqooyiga Soomaaliya waxa garab siiya oo soo geliya degaanada Maakhir sirdoonka maamulka waqooyi galbeed iyaga oo ujeedadoodu tahay inay dumiyaan isha dhaqaalaha Puntland ee Boosaaso.

Maalmo ka hor magaalada Buraan ee Gobolka Hayland, xilli ay saacadu tahay saqda dhexe ee habeenimo ayaa  waxa soo istaagay Kaantaroolka magaaladaas oo ay joogeen   Ciidamada Puntland  Gaari doonayey in uu ka gudbo Togaa Buraan,si uu   halkaas laamiga uga dhacao Magaalooyinka Carmo am Ceel Daahir midkood,  iyaga oo ku sii jeeday  Magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Askartii Kaantaroolka Joogtay ayaa waxay ku amreen   dadkii  Gaariga saarnaa in ay ka soo degaan Gaariga, si Baabuurka  loo baaro. Markii la baaray Gaarigii waxa laga helay hubka noocyadiisa  kal duwan. Kuwa wax qarxiya iyo kuwa laysku qarxiyoba.

Hadaba dadka gaarigan saarnaa xagee ka soo jeedeen.

Dadka gaarigan saarnaa waxay ahaayeen argagixiso,waxayna ku sii jeedeen buurta Cal Madow, waxayna ka soo kala jeedeen Beelaha Isaaq,Hawiye iyo Raxanweyn, waxa la socday Wiil dal yaqaan ah oo ka soo jeeda degaanada Maakhir. Nasiib wanaag dhamaan dadkan halkii ayaa lagu xiray, waxaana loo gudbiyey Maamulka Puntland.


Alshabaab way adag tahay in ay Muqdisho ka yimaadaan oo ay si sahlan ku soo  dhaafaan iyaga hubkooda wata magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe,taasina waxay kuu cadaynaysaa in dadku ay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya, hase ahaatee lagu hubeeyo oo lagu tababaro qaybo ka mid ah degaanada Beesha Isaaq degto.

Gebagebadii Argagixisada Puntland ku sugan waxa garab siinaya maamulka SNM,si ay Puntland u burburiyaan dhaqaalaheeda iyo siyaasad ahaanba  sidaas awgeed waa in Bulshada Reer  Puntland ee Harti  iyaga oo isku duuban ay  meel uga soo wada jeestaan Canaasiirtan SNM oo awooda badan lahayn.

Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 

Additional information