Turkigu ma beel Soomaaliyeed ayuu hubaynayaa

Ciidan Qaran ma jiree, Turkigu ma Beel Soomaaliyeed ayuu nagu soo  hubaynayaa, mise Runta ayuu ogaan doonaa  oo waxa uu Soomaali u dhisi doonaa  Ciidankii qaranka Soomaaliyeed oo ay ka wada mid yihiin dhamaan Gobolada Soomaaliya iyo Beelaha Soomaaliyeed.

fiqi

Maanta Mashaariicda horumarineed ,deeqaha waxbarasho iyo tababarka Ciidamada uu Turkigi ugu deeqo  Soomaaliya waxa gooni u leh  Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo maanta  ku sugnaa  magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, ayaa waxa uu goob joog ka ahaa   wasiirkiisa gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wasiirka gaashaandhiga dalka Turkiga oo kala saxiixday  heshiis ku saabsan iskaashiga ammaanka iyo milateriga, waxaana uu qeyb ka yahay dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo ah kii u horeeyay noociisa ee ay labada dal gaaraan, ayaa ka duwan heshiisyadii hore ee ay labada dal u gaareen oo ahaa dhinaca horumarinta iyo hirgelinta mashaariicda dib u dhiska iyo waxbarashada.
Dawlada Soomaaliya hada ka dhisan maaha mid dhamaystiran, mana aha mid ku salaysan cadaalad ee waa Xisbi dagaal kula jira Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed. Waa koox diidan in Bulshada Soomaaliyeed inteeda kale noolaato aan ka ahayn inta u dhaxaysa Baladweyn iyo Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya , Wasiirkiisa arimaha gudaha iyo wasiirka gaashaandhiga waxay aad ugu soo hor jeedaan maamul samaynta Jubooyinka, waana sababta ay Bulshada caalamka uga codsadeen in Cunaqabataynta hubka laga qaado. Sidoo kalena ay  Dawlada Turkiga ula saxiixdeen  in Maleesjiyaadkooda u tababaraan hubna ugu deeqaan.

Culusoow iyo Xisbigiisa Dhiigiisa cusub  oo hubaysan waa ka xun yihiin kana khatar badan yihiin Xisbigii uu horay uga midka ahaa ee USC oo xasuuqa ka gaystay gudaha  Soomaaliya.

Tobobaadkii hore  wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, waxa  uu magaalada Muqdisho ka abaabulay shir lagu sheegay wadatashi ku saabsan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka. Ujeedadu ugu wayn ee shirkani waxuu ahaa in lagu xagal-daaciyo isla markaasna lagu fashiliyo shirka wada-tashiga ee magaalada Kismaayo uga socda beelaha walaalaaha ah ee degga gobolada Jubadda Hoose,Jubadda Dhexe iyo Gedo kaasoo ku saabsan in la sameeyo maamul goboleedka Jubbaland.

Baaris iyo dabo-gal dheer oo lagu sameeyey waxaa lagu ogaaday in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn in la sameeyo maamul goboleed ka kooban Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo, isla markaasna waxay labadan mas’uul dadaal kasta u galeen inay carqaladeeyaan hawlaha ay wadaan guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.

Dhowaan waxay dawladu Muqdisho iskeed uga bilowday qorshe cusub oo hadda iyo kow kusoo bilaabayso shir wada-tashi ah ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland kuwaasoo muddo sanad iyo bar ah la soo waday. Sidaasi darteed, asbuucii hore ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha gudaha waxay Muqdisho ku qabteen shir lagu sheegay inuu yahay wadatashi ay ka qeybgalayaan odayaal, dhalinyaro iyo haween ka soo jeeda beelaha dega gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo ah saddexda gobol ee maamulka loo dhisi doono.

Gebagebadii waxa nasiib Xumo ah in maanta Hubkii Jubooyinka iyo Gedo lagula dagaalami lahaa lagu kala saxiixdo Yurub, halka RW Soomaaliya oo ka soo jeeday degaanadaas uu Villa Soomaaliyo kula shiray Muqayiliin ka mid ah shaqaalaha Villa Soomaaliya oo loo shaqaalaysiiyey beel ahaan
Allsanaag.com, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information