Ciidamada Puntland oo Iska Caabiyey Weerar Al Shabaab

Ciidamada Puntland oo Iska Caabiyey Weerar Al Shabaab ku soo qaadeen Agagaarka Buuraleyda Galgala

IAA

WAR SAXAAFEED
5 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.

Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan
argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho weerarkaasi kasoo qaaday ayaa  Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay jabiyaan weerarkooda.

Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.
Labo  askari oo  ka  tirsan  Ciidamada  Difaaca  Puntland ayaa ku shahiidey weerarkaasi,  Ciidamada Puntland  ayaa ku raad jooga wixii ka haray argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.
Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeedgudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.
--- DHAMAAD ---

AllSANAAG.COM

Additional information