Maleeshiyaadkii Dawlada oo dad dilay

sigaar

Ma ciidan qaran baa mise waa Mooryaantii oo dhar ciidan loo soo geshay.

Wararka aanu ka helayno degmada Afgooye ayaa sheegaya in mid ka mid ah Maleeshiyaadka  Dowladda uu maanta rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Goobjoogayaal ay ayaa sheegay in askariga rasaasta furay inuu markaasi uu heshiisiin ka dhexwaday labo haween ah oo dagaal gacanta iskula tegay, waxaana diiday dhexdhexaadinta uu sameynayey mid ka mid ah labada haween oo la sheegay iney afgalaadeysay Mooryaanka .

Askariga oo ka carooday aflagaadada haweynaydaasi ayaa rasaas uu ku furay haweeneydaasi aflagaagadaysay ayaa sabababtay inay halkaasi ku dhimato haweynaydaasi, iyadoo ay halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray y rasaastaas saddex qof oo kale oo goobta ku sugnaa.

Dhinaca kale  Mooryanka  dilka iyo dhaawaca u geystay dadka shacab ah ayaa goobtaas ka cararay, waxaana yimid goobtii Maleeshiyaadkii  maamulka degmada Afgooye oo halkaas ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan askarigaasi falkaasi ka sameeyay halkaasi, lamana hayo ilaa iyo iminka askarigii falkaasi ka dambeeyay

Additional information