Reer Xudun yaa u soo gurman doona?
- Details
- Written by khalid
Madaxdii Soomaliya oo aan ka hadlin Xasuuqa ka socda Xudun iyo nawaaxigeeda. Laakiinse baaq u diray dagaalada ka socda gobolada dhexe.

Dhowr Maalmood ka hor oo ahayd Xilligii maamulka SNM xasuuqa ka gaystay degaanada Xudun, ayaa isala maalintaas waxa Huteel ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ku shirayey qaar ka mid ah madaxda SNM iyo Faarax Sakiin oo wakiil ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Labadan kooxood oo aad isugu dhow fikrad ahaan iyo nacaybka ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen Xilliga la qabanayo wada hadalka u dhaxeeya Beesha Isaaq iyo Dawlada Culusoow. Sidoo kale waxa laysku afgartay in cidda hogaaminaysa wada hadalka dhinac dawlada in uu noqdo qof ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle OO AAMINSAN FIKIRKOODA.
Hadaba waxa is waydiin mudan Dawlada maanta ka hadli wayday xasuuqa Xudun ka socda iyo 50kii Tiknikada ahaa oo la doonayey in reer Maakhir lagu dilo ma tahay dawlada matesha ama ku hadli doonta magacooda bulshada xalasha ah reer Sool iyo Saanaag.
Dawlada Culusoow maxay ka tiri dagaalada Gobolada dhexe
Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay dagaal beeleedyada ka soconaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo sheegtay inay u direyso gudi si ay u kala dhex galaan beelaha walaalaha ee colaada u dhaxeyso.
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in arrin xanuun iyo uur ku taalo leh ay tahay dagaalada dhex maraya labada beelood ee walaalaha, isagoo xusay in aanay habooneyn in tiro inta la eg ay ku dhintaan dagaalka

