Gobolada dhexe iyo Muqdisho oo hal Ciidan noqday
- Details
- Written by khalid
Maleeshiyaadkii Ahla suna sababta ay ugu biireen Maleeshiyaadka Muqdisho ,waa sidii ay ula dagaalami lahaayeen Raaskanbooni oo nabadda Jubooyinka ka jirta maanta ay ugu bedeli lahaayeen amni xumo iyo Bililiqo.

Maleeshiyaadka Ahlusunna waljamaaca oo oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galguduud ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in Maleeshiyaadkodu ay si rasmi ah ugu biireen kuwa Muqdisho.
Hadii laga baxay ku-meel-gaarnimadii waa in qof walba uu xuquuqdiisa dowladda ka helaa, ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed," sidaa waxa yiri Maxamed Yuusuf Xeefow Mooryaanka hogaamiya Jabhada Ahlusunna , horayna uga midka ahaa Jabahadii USC oo dalka burburisay.
Hadalka ka soo baxay dagaal oogayaashan,oo ku qabtay Shir Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wixii laga bilaabo Maanta ay Ciidamadda Ahli Sunna ka amar qaadan doonaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya.
Haddalkan ayaa dadka Siyaasadda Falanqeeya ku tilaamayaan in uu yahay kuw u socda Ciidamadda Raaskanbooni ee Maamulka Magaaladda Kismaayo Iyo Gobaladda Jubooyinka.
Ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka soo jeedaan Gobaladda Dhexe ee Soomaaliya ,waxaana sameeyey hogaamiyihii hore ee Itoobiya MeleZ.
A;;sanaag.com,
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

