Itoobiya ayaa Ciidamada noo dhisaysa

DaawoMadaxweyne Xasan:- "Itoobiya ayaa dib u dhiseysa milatariga Soomaliya"

itoo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow,  ayaa isaga oo ku sugan dalka  Itoobiya waxa uu uu sheegay In ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ay dhisi doonaan Dawlada Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Culusoow , ayaa sheegay isaga oo hadalkiisa sii wata   "inay aqoonsan yihiin doorka Itoobiya ee ay degenaanshaha uga abuureyso Soomaaliya.

http://www.diretube.com/ethiopian-ne...50c5a622d.html

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu yiri "Inkasta oo ay jirtay taariikh aad u adag, taariikh hore, laakiin Itoobiya waxay caddeysay inay ka gudubtay waxyaabihii hor gudbanaa oo ay buundo u furtay Soomaaliya."

Waxa uu sheegay in ay isticmaali doonaan fursadda ay Itoobiya siisay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay la shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa Soomaaliya wanaagsan iyo degenaansho wanaagsan oo gobolka geeska Afrika ah.

Dawlada Itoobiya oo aad ugu faraxday Hadaka Madaxweyne Culusoow ayaa sheegtay "

"in ciidankeedu sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan qeybaha ay ka joogaan dalka.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Addis Ababa kadib markii uu halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqanaya Itoobiya.

 

 

Additional information