Sawirrada Fawdada ee Kooxda Madaxweyne Xassan ee Turkiga Joogta

{Allsanaag} Sawiradan waxa laga soo qaaday kooxda Madaxweyne Xassan wato ee Turkiga la jooga hadda. Madaxweyne Xassan jaamacadaa uu wato ayaa boga Radio Muqdisho sawiro aan ujeedadadooda iyo macnaha la iskaga qaaday la garaneyn soo geliya. Sawiradan, iyo kuwa badan oo ka horreeyey, waxay gudbinayaan fariin qoto dheer oo ah fawdada iyo jiha la'aanta xaqiiqada ah ee merfeshka "Villa Somalia" ka taagan taasoo Horkace Xassan, Gacan-yare Saacid iyo Galaha Adeegayaashiisa( ma aha Gole) aaney afka ka oran karin.

Horkace Xassan inuu waqtigiisa dhameyn san doono iyo in sidii kuwii isaga ka horreyey oo kale lagu kici doono oo xerada Villa Somalia inaanu u qalmin inuu sii joogo ay dhici doonto waa mid hadda Soomaalidu is weydiiso. Sida degdega ah oo Muriid Xassan iyo jamaacadiisa Soomaalidu u nacday weli kuma dhicin Madaxweyne hore oo xilkaa qabtay intii dagaaladu dalka ka socdeen. Waxaa xaqiiqa ah in Ma-daaweeye Xassan noqday mid aad taageeradiisu ugu yar tahay Soomaalida dhexdooda oo Soomaalidu saluugeen isagoo aan talaaba qaadin oo wax yar joogay. Ifafaalaha Soomaalida haddii la eego, xilli kasta ha noqotee, duufaanaa ku soo rogman doona Mad-ax-weeye Xassan oo ma dhameystiran doonaan isaga iyo jaamacadiisa xilligii loogu tala galay.

Turkey01

Sawirkan shalay ayaa Madaxweyne Xassan iyo jaamacadiisa lagaga qaaday Turkiga. Ninka sare ee gabdhaha ka dambeeyaa ma turjumaan baa? Markii kuraasidii ka buuxsameen miyuu halkaa is ligay? Ma anna yaan sawirkayga laga tegin darteed buu meesha isu soo taagay? Tira isle'eg ayey ahayd in weftidu isu qaabisho. Madaxweynaha jaamacadiisa sawirka ka muuqdaa waa ilaa 8 qof halkay ay Turkiga yihiin 4 keliya. Ninka Soomaaliga ee kursiyadii ka buuxsameen, dhaqan xumada ka muuqata, siduu yahay askirigii maalaa-yacniga Madaxweyne Xassan daba lignaan jiray, ayuu kan taagani waxay ku hadlayaan ilaalinayaa.

Kooxda Xassan in ay anshax xumadooda asturaan oo sawirkan oo kale aaney iska qaadin ayaa u habooneyd; hadday iska qaadeene inaaney sii deyn. Waxa ka sii daran kan kamarada la taagan oo haddana Soomaali kale sawir ka qaadayo isaga iyo wefdiga fadhigooda. Iyadoo Madaxweynihii fadhiyo ayey gidaarada jaamacada la socdaa istaagayaan oo dalbanayaan in sawiro laga qaado. Waxa ka muuqata meesha in kuwaa kuraasidu ka buuxsatay, kan afka madaxweynaha ilaalinaya oo muuqda ma ahee, uu ninkaa kamarada wataa iyaga sawiro ka qaadayo. Fawdada ka muuqataa isna Soomaali kale oo waxa sawiraya ayaa ku sii jeeda oo madaxweynaha iyo sawir qaadaha sawiro ka sii qaadaya oo sawirkan qaaday. Meesha meel wefdi fadhido uma eka ee waa ceel xoola ka cabayaan niman waraabinaya oo darkiisii fadhiya oo kale. Sida had iyo jeer beryahan dhici jirtay waxaa muuqata in kamaradihii yaryarka ahaa ama sel-foonada(moobaylka) ay sawirada iskaga qaadi jireen, ee lagu yaqaaney beryahan Soomaalida, in ay halkanna ka socoto.

Madaxweyne Shariifkii ka horreeyey halkuu rikoodhka jebiyey duulimaadyaduu sameeyey, waxaad moodaa Madaxweyne Xassan inuu isna fawdada iyo isdaba yaaca jamaacadiisa uu bilad dahaba ku heli doono.

Arka Soomaaliga taagan iyo sawir qaadaha Soomaalida inaka qarsoon oo meesha is taxday sawirrada ka qaadaya.

Turkey02

Turkey03

Ninkan sawirkiisa halka lagu soo dhejiyey waxay u badan tahay inuu yahay sawir-qaade Soomaali ah oo Madaxweyne Xassan la socday. Macnaha iyo ujeedada boga Radio Muqdisho sawirkan iyo kuwa kale ee kore oo dhinac istaagu ka muuqdo dhanka Soomaalida loo soo faafinayaa waa calaamadaha fawdada kooxda Xassan. Haddii la weydiiyo maxaa sawirkan hoose aad Soomaalida u soo dhejisaan rabtaan in uu gudbiyo kuwa qashinka ku gura Boga Radio Muqdiso jawaab ma heli doonaan. Waa sawirada lagu magcaabo "Anna i arag" oo ninka kamarada eegaya ee madaxweynaha dhankiisa taagani macna la'aanta u galay sida kan diyaarada ka soo degaya oo kale.

Kooxda Xassan hadday dibedaha sidan u dhaqmayaan dembi ma ha in "Villa Somalia" lagu magcaabo mefresh lagu qayilo oo kale. 

Turkey05

Sawirkan kore ee Radio Muqdisho la soo galiyey, quality xumadiisa ka sokow, waxaa ka daran ujeeda la'aantiisa. Kooxda Mefreshka Villa Somalia waxay maqleen sawiraa la iska qaadaa; kuwa raadiyowguna waxa yaqaaniin waa la iska geliyaa. Waa isma dhaanto kuwa laga qaadayo, kuwa qaadaya iyo kuwa gelinayaa. Waa nasiib daro in laga sugayo iney dalka badbaadiyaan kuwaa aan aqoon xilliga ay tahay in sawiro laga qaado ama kuwa la doorto in ay tahay in dadka la tuso. Shakhsi jecel ma jiro in isagoo aan diyaar aheyn sawir laga qaado ee ka warrama Madaxweynahaa iyo shaqaalihiisa sawirada siday doonaan iyo meeshay doonaan iskaga qaadaya. Ma kuwaas ayaan ka sugnaa iney gartaan wax taa ka weyn? Waa maya.

Madaxweynaha habka loo fadhiisiyey ma ixtiram baa ku jira mise weli xaqiraad qarsoon?


Badanaa dhanka midigtu waa ka mudan tahay xagga bidixda. Dhanka midigtu waxa laga fiirin karaa dhanka madaxdu ku sii jeedaan iyo dhanka labada madax laftigooda ka sii jeedaan. Marka qofka madaxda ah ee martida loo yahay uu fadhiisiyo ama istaajiyo qofka madaxda ah ee martida u ah dhanka midigtiisa, iyadoo laga eegayo xaggay ka sii wada jeedaan, oo markaa uu calankiisana u dhigo isla dhinac midigta gadaashiisa, waa qadarin iyo maamuus buuxda.

Madaxweynaha martida ah iyo calankiisu ama midig ayey wada mari karaan ama bidix ayey wada mari karaan ama marmar yar waxa dhacda in ay kala haraan.

Marka dalka loo martida yahay kala reebo calanka iyo madaxweynaha martida u ah oo uu madaxweynaha fadhiisiyo dhanka midigtiisa laakiin calankiisa diido in gadaal laga dhigo oo halkaa dhigo kiisa, waa soo dhoweyn kala dhiman oo muujin karta calankaagu lama mida calankayga oo qadarintaa weyn uma wada qalantid. Adigaan shakhsiyan midig ku fadhiisinayaa oo ku qadarinayaa laakiin dawladnimada iyo dalkan calankaasi u taagan yahay sharaf ma le oo gadaasheydaan ku tuurayaa isagoo duuduuban oo aan si hufan loo kala bixin ayaa meesha ka taagan. Taasi waa mid fariin dahsoon direysa marka la eego Itoobiya iyo Soomaaliya siday isku ahaayeen taariikh ahaan.

Waxaan ka soo qaadeynaa in Madaxweyne Xassan aanu degdegin isagoo aan u dhaqmeyn siduu uu maqaaxiyihii Xamar oo kale gelayo oo miis iyo kursi yaalay fadhiisanayo ama Mac-hadkii SIMAD dhex lugeynayo. Aan ka dhigno in fadhigani yahay mid sidan loogu tala galay.

Markaa in Madaxweyne Xassan dalbado in aan calankiisa iyo isaga la kala reebin miyey sharaftu ku jirtay mise in calankiisa laga reebo oo uu aqbalo in kan Itoobiyaanka uu hor fadhiisto? Madaxweyne Xassan shakhsiyan keligii in la sharfo iyo in calaamada qarannimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed la sharfo waxa mudan oo wadannimo ku jirtaa, markay timaado in labadaa la kala doorto, in dawladnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed la sharfo. Waxay ahayd in Madaxweyne Xassan hor fadhiisto ama ag istaago calankiisa halka uu kan Itoobiyaanka dugsanayo. Ma kala garanayeen sida xun ee wax loo dhigay kuwa la socdaa Madaxweyne Xassan? (In aaney kala garaneyn waxa kuu muujinaya oo taa ka daran IDAACADA WAREERSAN oo bogga Radio Muqdisho siday wax u soo geliyaan iyo khaasatan heesaha ay booqashadaa ugu dabaaldegayaan.)

Halkan waxaad arragtaan Madaxweyne Xassan oo midigta la fadhiisiyey laakiin aan la raacin calankiisii ee kii Itoobiyan gadaal laga dhigay. Fadhigan officialka ah ee Soomaaliya iyo Itiibiya xitaa habka loo muujiyey calamada labada dal waa kal duwan yihiin. Calanka Itoobiya calaamada ku jirta si fiican ayaa loo muujiyey laakiin calanka Soomaaliyeed waa la duuduubay oo la qariyey xiddigta dhexda kaga taal oo hal cidhif oo keliya ayaa laga muujiyey. Itoobiyana ula kac ayey sidaa ugu qariyeen iyagoo dareensan waxa xiddigtu u taagan tahay. Itoobiya waa ogyihiin habka calanka loo soo bandhigo in ay waajib tahay in porotokol ahaan la ilaaliyo. Itoobiya halkan waxay ku diraysaa fariimo aad u khatar ah oo ninkii caqli lii fahmi karto.

Madaxweyne Xassan iyo shaqaalihuusu waxay ahayd inay dalbadaan in mudnaanta loo wada dhameystiro oo calaanka Soomaaliyeed la dhigo gadaasha Madaxweyne Xassan. Haddii taa laga diido waxay ahayd in shaqaalaha la socdaa u sheegaan in Madaxweyne Xassan ay tahay inuu ag fadhiisto calankiisa oo aanu rabin xilligan Soomaalidu liidato inuu ka ag fogaado calankiisa.

Faaqididaa waxaan ka eegnay dhanka wanaagsan oo ah in dawlada Itoobiya ugu tala gashay in Madaxweyne Xassan dhanka midigta fariisto. Waxa suuragal ah in degdeg iyo aqoon darro darteed Madaxweynaha Soomaaliyeed u fadhiistay, socday ama istaagay meel aan loogu tala gelin.

Hadday sidaa tahay, markaa Madaxweyne Xassan wuxuu garan waayey meeshii loogu tala galay, oo ahayd in uu halka calankiisa lagu tuuray oo ah dhanka bidixda, fadhiisto, socdo ama istaago. Sidaa ayey sharaftu ugu jirtay Madaxweyne Xassan maadaama aaney dhib weyni ku jirin marka madaxweyne dal la istaajiyo dhanka bidixda, laakiin uu noqonaya midig marka xagga dadka laga soo eego, oo markaa calankiisa gadaal laga dhigo.

CalanItoobiyaSomalia2

 

CalanItoobiyaSomalia3

CalanItoobiyaSomalia4

CalanItoobiyaSomalia4

CalanItoobiyaSomalia5

Itoobiya fadhiga waa ku bah dishay Madaxweyne Xassan. Xiddigta calanka Soomaaliyeed waa duuduubeen, halka Turkiga si wacan uu muujiyey. Bidixday calanka Soomaaliyeed ku tureen Itoobiyaanku, halka Turkigu midigta ka dhigay.

Idaacada fawdada ee boga Muqdisho markay sawirada wefdiga Soomaalida ee Addis soo gelinayeen, sidii Itoobiya walaale iyo saaxiibo dhab ah yihiin hees walaaltinimo ayey geliyeen. Waa la yaab waxay sidaa u sameyanyaan. Tan hadda Turkiga ay u soo geliyaan iyagu waa u qalmaan.

Turkey03 

Additional information